|
|
|
Wareegii labaad ee cayaarihii
xagaaga SEUKI 2007 oo bari ka
bilaabanaya garoonka weyn ee Spånga IP |
|
|
|
Waxaa berri ka bilaabanaya garoonka
weyn ee Spånga IP wareegii labaad ee cayaarihii xagaaga ee SEUKI
2007oo maalmahanba lagu guda jiray wareegoodii koowaad.

Kooxihii shalay wada cayaaray ayaa
kala ahaa kooxda Sosyd iyo Qaran iyo cayaartii labaad oo ay wada
cayaareen Holland iyo London Stars.

Cayaartii hore ayaa waxeey ku soo
gabagaboowday 2-1 ay ku badiyeen kooxda Qaran sidoo kalena cayaartii
labaad ayaa waxeey ku dhamaatay 2-1 ay ku badisay kooxda London
Stars.

Cayaarihii maanta dhacay oo ahaa
cayaarihii ugu danbeeyey wareegii koowad ayaa waxeey dhexmareen
kooxda Olympic ( Denmark) iyo Swizerland tan labaana waxaa wada
cayaaray Streatham iyo Göteborg.

Cayaarahan ayaa waxaa tii koowad
badiyey kooxda Denmark oo ku badisay 11-2 ku dhan balse cayaartii
labaad ee la wada sugayey ayaa ku dhamaatay 4-1 ay ku badiyeen
kooxda Streatham.

Garoonka waxaa maanta marti ku ahaa
oo dadweynaha maaweelinayey Fanaanadii weyneeyd ee kooxda Iftiin
Xabiibo Wanaag iyo fanaanka loo yaqaano Jarmal.
Waxaa sidoo kale garoonka ku sugnaa Universal TV oo uu masuul ka yahay Cabdulaahi Iiman.









Berri oo bishu tahay 25/7/2007 ayaa
waxaa bilaabanaya cayaaraha Quarter finelka waxaana is arki doona.
Ilamos V Qaran
London Stars V Steatham
26/july
Denmark V Holland
Xiddigaha Rågsved V Halgan
Daawasho wacan
- Cabdi Cumar Afrax
- Stockholm
|