25-07-2008 14:42:00 Ceelbuurnet.com
Kooxda Leicester oo dhulka ku jiiday Sokoa oo ka soctay Norway una soo gudubtay Semi -final  iyo X. Rågsved oo dibada dhigay kooxda Qaran joogtana Semi -Final

 

Cayaarihii ugu horeeyey ee wareega labaad ee tartanka xagaag SEUKI 2008 oo ay shalay wada cayaareen kooxaha Qaran Vs Xiddigaha Rågsved iyo Leicester Vs Sokoa ayaa waxaa ay ahaayeen cayaaro dadweynihii Stockholn iyo martidii joogtayba ay ku balansanaayeen taaso shaly jabisay rikordkii daawadayaasha oo uu garoonkii waloow ay jirtay cadcadeed aad u kulu isla 16. 00 galabnino uu garoonku tirada dadka la ciirciirayey.

Cayaartii ay dadku shalay qoroxdaa kulu ugu dulqaadanayeen ayaa waxeey aheeyd cayaar dhexmartay labada koox ee champoinka ahaa labadii sano ee tartankan jiray oo kala ah Xiddigaha Rågsved oo aheeyd championkii 2006 iyo Qaran oo aheeyd Championkii sanadkii tagay ee 2007 iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa labada kooxood ay wada deganaan magaaladan Stockholm waliba wuqooyiga iyo Konfurta Stockholm , taaasi waxeey had iyo goor keentaa xamaasad aad u badan maadama ay labadan koox ka wada dhisan yihiin magaaladan Stockholm.

Cayaartan ayuu guddiga qabanqaabadu aad uga sii shaqeey dhanka amniga iyadoo halkaa lagu diyaariyo ilaa 12 Polis ah si ay amniga u sugaan.

Kooxda Qaran ayaa waxaa had iyo goor taageera dad aad u fara bada oo ka kala yimaada Xaafadaha Rinkeby , Tensta , iyo Hjulsta waxaana ay kooxdan qurxiyaan ama camiraan taageerayaashoodu garoomada .

Cayaartan ayaa waxaa durbaano iyo funaanado isku eg watay taageerayaasha kooxda Qaran oo runtii shalay dhaawac uu qabay goolhayahooda darteed aan cayaartii la filayey soo bandhigin taasoo keentay in kooxda xiddigaha Rågsved ay ka faaiideystaan fursadaa waxaana kooxda Qaran laga dhaliyey laba gool oo is daba joog ah.

Cayaartan ayaa quruxudeedii iyo dadkii faraha badnaa ee daawanayey cayaarta joojiyey qarax baaruud xoog leh oo laga soo toooray dhanka tarbuunka iyadoo uu garsoorihii cayaartana u cabsaday xagga amniga isla markaana cayaartii qeybteedii labaad iyaddoo mareeysa 2-0 ay kooxda xiddigaha laheeyd joojiyey.

Cayaartii labaad ee shalay ayaa waxaa ay dhexmartay koxda Leicester oo runtii uu sanadkan ugu horeeyo tartankan balse ah koox aan dalxiis u iman Stockholm iyo kooxda Sokoa oo iyaduna sanadkan dadaal fara badan ka dib u soo gudubtay wareegii labaad ee cayaarahan xagaaga SEUKI 2008 oo ah tartanka ugu adag ee ka dhaca Yurub.

Cayaartan ayaa sidii la filayey aysan noqon oo waxaa cayaartii la wareegay kooxda aan ilaa iyo hadda la dhayalsan karin ee Leicester oo 5-0 tareenka ku saaray kooxdii Sokoa ee ka soctay magaalada Bergan ee dalka Norway.

Waxaa ilaa hadda Semi-finelka cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 u soo gudbay kooxaha Xiddigaha Rågsved iyo kooxda Leicester

Cayaarahan ayaa waxaa maanta qeybtii labaad ee wareega labaad ee cayaarahan wada cayaari doona kooxaha Ilamos iyo Denmark iyo Holland iyo London Star cayaarahan galabta ayaa iyaguna waxeey yihiin kuwa aad loo hadal hayo oo ay ku kulmayaan kooxaha ugu waaweyn kooxaha Soomaalida Yurub.

 

 


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com