|
Ururweynaha SEUKI oo Stockholm ku soo
gabagabeeyey xafladii qorituurka
cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 |
|
|
|
Ururweynaha SEUKI oo ah urur Sport oo
ka dhisan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa maanta soo
gabagabeeyey shirweynihii qorituurka sanadkan 2009 iyadoo shirkuna
uu socday 2 maalmood.

Shirkan oo qeybtiisi koowaad ay
dhacday shalay oo bishu aheeyd 24 April kuna saabsanaa ansaxinta
sharciga ayaa qeeybtiisii labaad ay aheeyd xafladda qorituurka
waxeeyna dhacday maanta oo ay bishu aheeyd 25 April iyadoo ka
dhacday Restraung Möllen oo ku taal xaafadda Rinkeby.

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa waxaa ugu horeeyntii furay guddoomiyaha ururweynaha
SEUKI Mudane Cabdiraxmaan Sheegoow oo loo yaqaan Shuute isagoo
xafladaa si weyn u soo dhaweeyey dhamaan masuuliyiinti ka
soctay kooxaha iyo waliba marti sharaftii lagu soo casuumay
xafladdan wuxuuna guddoomiyuhu si gaar ah u soo dhaweeyey Jonny
Lindh oo ah madaxa Poliska xaafadaha Järva iyo xoghayaha GOS
mudane Cabdulaahi Taranbi iyo guddoomiyaha ururka EuroSom Mr Maxamed
Diini iyo Sabriye Gaabow oo isana ka socday isla ururka EuroSom.

Furitaankii xafladda ka dib wuxuu
guddoomiyuhu ka war bixiyey waxqabadka uruweynaha SEUKI iyo
waxyaabaha uu damacsan yahay mustaqbalka isagoo ka dib microfonka ku
soo dhaweeyey Madaxa Poliska xaafadaha järva Mr Jonny Lindh oo isna
ka war bixiyey wada shaqeeynta ka dhaxeeysa ururweynaha SEUKI iyo
Poliska xaafadda isagoo sidoo kale ka hadlay sida uu Polisku ula
shaqeeyn doono ururkan wuxuuna xooga saaray sidii loo sugi lahaa
amniga taasna ay ugu weeyntahay wada shaqeeynta labada dhinac
oo ay wada shaqeeyntoodu bilaabatay sanadkii tagay ee 2008 wuxuuna
Jonny Lindh ballan qaaday in sanadkan uu Polisku bixin doono biladda
Diciplinka iyagoo ugu tala gali doona koob gaar ah hadii alla idmo.

Waxaa sidoo kale halkaa siminaar ku
saabsan taariikhda Soomaliya ka jeediyey sarkaal u shaqeeya hay,adda
socdaalka Sweden laguna magacaabo Mr Cabdulaahi Abuukar Mudey isagoo
ka warbixiyey dhaibaatooyinka ay dadka soo galootiga ah kala kulmaan
dhulkan cusub ee ay soo galeen.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadashay
Alma Adan oo iyaduna ka soctay Studiefrämjandet oo ay ururka SEUKI
haatan wada shaqeeyn kala dhaxeeyso iyadoo halkaana ka cadeeysay
ballan qaad uu madaxa ururkaasi u ballan qaaday in uu ururka SEUKI
ka caawin doono sidii jiif loogu heli
lahaa kooxaha ka cayaara
tartanka.
Waxaa isna halkaa ka hadlay
guddoomiyaha kooxda xiddigaha Rågsved Mr Carabeey oo soo jeediyey in
loo duceeyo Marxuum Allaha u naxariistee Axmed Romario isla markaana
codsaday in hadii aysan diinta ka horimaneeyn koobka sanadkan lagu
magacaabo Romario iyadoo sidoo kale ogolaansho laga doonayo reerkii
uu marxuumku ka tagay.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Mr
Maxamuud Sh.Ibraahim oo ka socda shirkadda xawaalada Dahabshiil
isagoo halkaa ka jeediyey information ku saabsan sidii ay
cayaartoyda lacagaha loogu soo diro Dahabshiil uu u qaabili lahaa
iyo waxyaabaha looga baahan yahay wuuxna sidoo kale cadeeyey
sida ay shirkaddu gacanta uga geeysato howlaha lagu hormarinayo
Sportiga iyo dhalinyarada Soomalida ah.

Waxaa sidoo kale halkaa kalmado ka
jeedisay Ismahan Cabdulaahi oo ah u qabilsanaha ururka isbaheeysiga
Soomalida qeeybta Sportiga iyadoo ka hadashay sidii cayaaraha loo
hormarin lahaa.

Waxaa isna halkaa ka hadlay
Guddoomiyaha EuroSom Mr Maxamed Diini oo ka hadlay wada shaqeeynta
ka dhaxeeysa labadan urur oo markii ugu horeeysay heshiis ku kala
saxiixday magaalada Leicester wuxuuna ballan qaaday in sanadkan uu
heshiiska muuqan doono iyadoo lagu ballamay in cayaaraha ka kala
dhacaya Stockholm iyo Göteborg la wada furo lana wada xiro.

Waxaa khudbad aad u dheer isna halkaa
ka jeediyey xoghayaha GOS mudane Taranbi isagoo ka war bixiyey
qaabka uu u shaqeeyo Gos .

Ugu danbeeyn waxaa halkaa ka dhacay qorituurkii
sanadkan 2009 iyadoo ay kooxuhuna iskugu aadeen sidan soo socta.

A
F.C United
Rinkeby Stars
Oslo Stars
Holland
B
London Star
Xiddigaha Rågsved
Djerv & Bergen
C
Bristol
Qaran
F.C Sonpet (Fin)
Ilamos
D
Leicester United
Neutral (Göt)
Wadaniga (Den)





















- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|