Xafladaasi oo si heer sare ah loo
soo agaasime ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan Qunsuliyadaha
ay dawladaha Afrikaanka ah ay ku leeyinh Gobolka
Geargia,ganacsato, Madax kala duwan ee ka kala socotay ha'yadaha
Dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheyn Ciyaaryahano caan ka ah
Dalka Mareykanka iyo Addunkaba,iyo Jaaliyadaha kala duwan ee ku
nool Gobolka Georgia iyo wafdi matalaayey Dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya oo uu hogaaminaayey Xoghayahii hore ee Guddiga
Olympigadda Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Isboortiga iyo
Dhaqanka Dr.Cali Cusmaan Cali iyo Halyey Cabdi Warsame Isaaq
iyagoo waliba ka mid ah aasaasayaashii Atlanta Plan oo aanu
fileyno in uu wax badan tari doono dhalinta soo koreysa ee
Soomalia siiba xagga Waxbarashadda iyo amuuraha ku saabsan
horumarinta Isboortiga.

Dr. Cali Cusmaan Cali oo ay la
socdaan Ron Davis iyo Mike Spino ay waxay galeen olole ka soo
qaybgalayaasha looga dhaadhicinaayo waxtarka Atlanta Plan iyo
qeybahiisa kala duwan sida Arrimaha Bulshadda,Siyaasadda iyo
Dhaqaalaha,waxa taa garab socotay in uu Dr.Cali Cusmaan Cali uu
kulamo la yeelanaayey Aqoonyahanadda kala duwan ee ku
taqasuustay arrimaha lagu hormarinaayo Bulshadda iyo isagoo
nasiib u yeeshay in uu la kulmo aqoonyahan ku taqasuusay sida
bulshadda looga gudbiyo dhibaatooyinka ka yimaada dagaaladda
Sokeeyey taa oo uu Dr.Cali Cusmaan uu aad ugu khashuucay.

Waxaan wax ku bartay canshuurta
laga uruuriyo Hooyooyinka xaabadda keeni jiray Magaaladda
Muqdishu,waxaan ka mid ahaa muddo dheer Ciyaartoyda Qaranka
Soomaaliyeed magaca iyo Maamuskaba ku leh,waxaan ka soo mid
noqday mas;uuliyiintii wax ka soo maamulay horumarinta
Isboortiga,waxaan ka mid ahaa maamuladii dhexe ee dawladdi hore
ee dalka Soomalia, kuwa oo waajib iiga dhigayo in aan albaab
kastaba u garaaco badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed anigoo
Shucladda Olympigada Gacanta ku wato sida waxa yiri Dr.Cali
Cusmaan Cali oo marka qiireysnaa.

Waxaana Xafladaasi ka mid ahaa
waxyaabaha ugu muhimsanaa markii uu Dr.Brown khudbadiisii ku soo
daray ahmiyadda uu Atlanta Plan u leeyahay Dawladaha soo
koraayo,isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey Dawladihii
aasaasayasha u ahaa oo ay ka mid tahay Dawladda Soomaliya oo mar
kastaba uga qayb galay Dr.Cali Csumaan Cali iyo Cabdi Warsame
Isaaq.

Ugu dambeyntii Dr. Cali Cusmaan
Cali waxa uu magaca Ummadda Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha kala
duwan ee ka jira Atlanta ugu hambalyeye Dr. Brown jagada loo
caleemo saaray isagoo u rajeyey in uu Ilaah u fududeeyo xilkaan
Culus ee la saaray,uuna sheegay in uu yahay Aabaha Atlanta
Plan.waxayna xafladii ay ku soo dhamaatay si heer sare ah.