|
Cayaarihii doraad ka dhacay garoonka
Spånga IP iyo Finland oo ku durdurisay
London Star |
|
|
|
Doraad oo ay bishu aheeyd 22 July
ayaa waxaa garoonka weyn ee Spånga IP waxaa ka dhacay cayaarihii ugu
danbeeyey isaraga koowaad ee cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 iyadoo ay
isku arkeen kooxda Tilburg oo ka socta Holland iyo kooxda Sokoa oo
ka soctay Norway.

Cayaartan ayaa waxeey kooxda
Holland kooxda Norway ugu awood sheegatay 4-0 iyadoo haatana laba
kooxb ay u soo gudbeen wareega labaad ee cayaarahan oo maanta
bilaaban doona.

Cayartii labaad doraad oo ay wada
yeesheen kooxda Sonpet Finland iyo London Star oo ka socta England
ayaa waxeey aheeyd cayaar ay kooxda Sonpet oo hore looga badiyey 3
cayaar ay ku raaxeeystaan.

Cayaartan ayaa waxaa kooxda Sonpet
ay 6-2 ku sagootisay kooxda London Star oo haatan sidoo kale wareega
labaad ee cayaaraha u soo gudubtay maadama group B ay ahaayeen 5
koox ayaa London Star waxeey noqotay kooxdii groupkaa laga soo
qaaday.

Cayaarahan ka dhacay garoonka weyn
ee Spånga IP ayaa waxaa dhanka fanka dadweynaha maaweelinayey Al
Fanaan Jeeri , Abdi Fataax iyo fanaanadii weeyneyd ee codka
macaaneyd Raxma Ruuxi.












Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|