|
Allaha u naxariistee marxuum Axmed
Ibraahim (Romario) oo shalay si wada
jir ah loogu duceeyey ka hor inta
aysan bilaaban cayaartii kooxda
Xiddigaha Rågsved iyo Drejv plusoo
ka soctay Norway |
|
|
|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 ayaa
wali waxeey si habsami leh uga socdaan garoonka weyn ee Spånga IP
iyadoo shalayna ay cayaartii koowaad wada cayaareen kooxaha Neutral
oo ka soctay Göteborg iyo wadni oo ka soctay dalka Denmark.

Cayaartan oo aheeyd mid isku dheeli
tiran ayaa waxaa 1-0 ku badiyey kooxdii ka soctay magaalada Göteborg.

Cayaartii labaad oo ay dadku wada
sugayeen ayaa waxaa shalay ku ballansanaa kooxda Xiddigaha Rågsved
iyo Drejv Plus oo ka soctay dalka Norway horena uga soo badiyey
kooxdii Championka sanadkii hore ee London Star.

Ka hor inta aysan bilaaban
cayaartan ayaa waxaa halkaa kahadlay guddoomiyaha kooxda xiddigaha
Rågsved Cabudulaahi Cali Qoslaaye oo loo yaqaan Carabeey isagoo
halkaa ka jeediyey tacsi uu u dirayo reerkii iyo uu ka geeriyooday
marxuum Axmed Ibraahim oo loo yaqiin Romario oo sandkii hore ka
tirsanaa kooxda Xiddigaha Rågsved balse lagu dilay magaaladan
Stockholm

Kooxda xiddigaha Rågsved ayaa
waxeey soo xirteen funaanado cad cad oo lagu soo qoray magaca
marxuumka iyagoo ka dibna uu guddoomiyaha iyo waliba cayaaryahan
Cabdisalaan dadka ka codsadeen in marxuunka maadama aan nahay umad
muslim ah faataxada loo akhriyo loona duceeyo si wada jir ah .

Ka dib waxaa uu guddoomiye Carabeey
guddoonsiiyey funanadii uu ku cayaari jiray marxuumka oo aheeyd NR
10 marxuumka walaalkiis wuxuuna sheegay in kooxdu ay go,aan ku
gaartay in aan funaanadaa Nr 10 ka ah aan dib danbe loogu ciyaari
doonin oo aan ciyaartooy kale la siin doonin iyadoo hadiyo loo
siiyey familka uu marxuumku ka tagay.

Sidoo kale waxeey kooxda xiddigaha
Rågsved funaanado ay ku qornaayeen magaca marxuumka ay
guddoonsiiyeen Kerstin Gusttavsson iyo Agneta oo ka soctay
wasaaradda Sportiga ee dalkan Sweden iyo sidoo kale Ulla oo ka
socday Studiefrämjandet sidoo kale waxa ay gudoonsiiyeen
guddoomiyaha ururuka SEUKI Mr Shuute

Cayaartooydii kooxda xiddigaha ayaa
ka dib waxey ku carareen tarbuunka ay dadku fadhiyeen iyagoo ka dib
u qeeybiyey dadkii u soo daawashada tagay cayaarahan funaanadihii uu
ku qornaa marxuum Romario.

Waxaa sidoo kale shalay kooxda
Xiddigaha Rågsved ay Sponsar ka heleen Shirkadda xawaalada
Dahabshiil oo uu maamulahooda Stockhholm MudameMaxamuud Sheekh
Ibraahim uu guddoomiyaha kooxda guddoonsiiyey funaanado ay kooxdu ku
cayaarto oo ku qoran magaca shirkadda iyadoo ay Dahabshiil sidoo
kale Sponsargareeysay cayaarahan xagaaga SEUKI 2009 iyadoo wada
shaqeeyn la leh ururweynaha SEUKI oo ah ururka soo qaban qaabiya
cayaarahan.

Ka dib waxaa bilaabatay cayaartii
la wada sugayey iyadoo kooxda xiddigaha ay dirqi shalay uga baxsatay
kooxda Drejv Plus oo ka socta Norway oo aan sanadkan Stockholm
kaftan u iman balse la soo shir tagtay cayaar aad u adag iyagoo
cayaartii horena koxdii Championka aheeyd 1-0 uga soo badiyey.

Cayaarta Groupkan la wada sugayo oo
ilaa hadda ay dadku ka wada hadlayaan ayaa ah cayaarta maalinta
Axadda hadii allaha awooda lihi ogolaado dhexmari doonta kooxda
Xiddigaha Rågsved oo 3 dhibcood haatan wadata iyo kooxda London Star
oo aan wax dhibco ah wadan

Shalay ayaa waxaa garoonka soo
gaaray Guddoomiyaha Sportiga North Ameerika Axmed Cabdikariin
Walaayo oo loo yaqaan Cantar Jeenyo oo cayaarahan uga yimid dalka
Canada kana mid ah cayaaryahanadii waqtiyadii barisamaadka ugu
caansanaa dalkeena sidoo kale waxaa joogay isna Bashiir Jeenyo ,
Cali Kaamil Cali ,Boss Caato Maxamed Muuse ,Ibraahim Galbeeyte ,
Abuukar Cabdulle Dhabareey iyo dad kaloo fara badan oo aan halkan ku
soo koobi karin.

Isku soo wada duuboo jawiga shalay
ee garoonka Spånga IP ayaa wuxuu ahaa mid aan caadi aheeyn.






























- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|