23-07-2007 09:49:27 Ceelbuurnet.com
 
 Kooxda Ilamos oo xiddigaha Rågsved garabka dhulka u dhigtay iyo Sokoa oo Sonpet cooska cunsiisay

Cayaarihii shalay ka dhacay garoonka weyn ee Spånga IP oo ay yeelanayeen Group A ahaana cayaartoodii ugu danbeeysay ayaa waxaa cayaartii koowad isku arkay laba kooxood ee kala ah Sonpet (Fin ) iyo Sokoa ( Nor ) , labadan kooxood oo aan hore wax dhibca ah u wadan cayaartana ay Finl u aheeyd maadama ay koox walba dooneysay ineey dhibco kala tagto tartankan xagaaga SEUKI 2007 ayaa waxaa cayaar la yaab leh la soo baxay kooxda Sokoa oo shalay dardar badan muujisay iyadoo kooxda Finland uga badiyey 7-1 ku dhan.

Waxaa xusuid mudan in cayaaryahanka Cartan uu 5 gool ku dhan shalay u saxiixay kooxdiisa Sokoa isagoo la goolal ah haatan cayaaryahanka ugu goolasha badan ee lagu magacaabo Cabdi Walaalo oo u cayaaraha kooxda xiddigaha Rågsved.

Cayaartii labaad ee ay dadku wada sugayeen dariiqyada Stockholmna lagu war hayey intii aysan bilaaban ayaa waxaa ay aheeyd cayaar rutii dadkii soo buux dhaafiyey garoonka ay aad uga maqsuudeen marka la eego farsamada ay labada kooxood la soo shir tageen iyo waliba adkeeysiga jireed ee ka muuqday labada koox.

Mar mar ayaad waxaad u qaadaneeysay in ay cayaarayaan laba kooxood oo heerka koowaad ah ama Serie A maadama ay cayaartooyda laba kooxoodba dhinac walba ka dhamayeen.

Cayaartan oo aheeyd cayaartii ugu horeeysay oo ay labadan koox is arkaan Finelkii sanadkii hore ka dib ayaa waxaa dad badani is weeydiinayeen in kooxda Ilamos oo finelkii sanadii 2006 goolal badan looga badiyey ay aarsan doonto oo ay kooxda Xiddigaha Rågsved ka badin doonto.

Goolkii koowaad ee cayaartan quruxda badneeyd dadkii daawanayeyna fadhiga u diiday ayaa waxaa kooxda Ilamos u saxiixay cayaaryahanka u sitay Nr 7 aad Shekh Cali , kooxda Xiddigaha ayaa goolkan iska soo guday iyadoo uu u saxiixay cayaaryanhan Cabi Walaalo oo ah cayaaryanankii sanadkii hore qaatay dhalinta goolasha.

Markii ay cayaartu daqiiqado ka dhineeyd ayaa cayaaryahan ka tirsan kooxda Ilamos uu calaamadda gaduudka qaatay balse kooxda Ilamos oo aan shalay caadi aheeyn taas uma dhutin ee waxeey goolkii labaad ka dhaliyeen Xiddigaha Rågsved iyadoo uu goolkaana u saxiixay cayaaryahankii sitay Nr 6 aad.

Cayaartan oo aan ku macneeyn karno cayaartii sanadka ayaa waxeey ku soo gabagabooday 2-1 ay kooxda Ilamos garabka dhulka ugu dhigtay kooxda xiddigaha Rågsved oo aan sanadadii la soo dhaafay garabkooda dhulka la dhigin.

Boggan cayaaraha ee ceelbuurnet.com wuxuu hambalyo gaar ah u dirayaa Guddoomiye Axmed Bile iyo Yaasiin iyo dhamaan cayaartooyda Ilamos guushii iyo cayaarwanaagii ay shalay la yimaadeen.

 

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com