23-07-2009 14:16:59 Ceelbuurnet.com
Fanaaka weyn Xasan Aadan Samatar oo shalay maaweelinayey dadweynihii u soo daawashada tagay cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 oo si habsami leh uga socda garoonka weyn ee Spånga IP

Cayarihii xagaaga SEUKI 2009 oo wali si habsami leh uga socda garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxaa shalay wada cayaaray kooxaha Sonpet oo ka socday Finland iyo kooxda Qaran o iyadu ka soctay magaaladan Stockholm .

Cayaartan ayaa waxaa aad  ugu gacan sareeyey kooxda Qaran oo kooxda Sonpet uga badiyey 6-0 ku dhan iyadoo kooxda Qaran oo cayaartan tii ka horeeysayna ku soo badiyey 4-0 ay haatan u soo gudbeen wareegii labaad ee cayaarahan xagaaga SEUKI 2009 iyagoo labaadaa cayaar oo kaliya ku dhaliyey 10 gool.

Cayaartii labaa ee shalay ayaa waxaa wada cayaaray kooxaha Bristo oo ka socday UK iyo Wembley Star oo ka soctay xaafadda Wembley ee magaalada London.

Cayaartan ayaa waxaa shalay ay kooxda Wembley iska qaban weysay cayaaryanka u cayaarayey kooxda Bristol oo lagu magacaabo Ibraahim oo isagu shalay dhaliyey 3 gooloo ka mid ah afartii gool ee ay Bristol uga badisay Wembley Star.

Fanaaka weyn Xasan Adan Samatar ayaa shalay maaweelinayey dadweynihii faraha badnaa ee u soo daawashada tagay cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 oo si aan caadi aheeyn uga socda garoonka weyn ee Spånga IP oo ku yaal wuqooyiga magaalada Stockholm.

Maanta ayaa waxaa wada cayaari doona kooxaha Neutral oo ka socda Göteborg iyo kooxda Wadani oo ka socta dalka Denmark cayaarta labaadna kooxda Xiddigaha Rågsved iyo kooxda Drevj Plus oo ka socta magaalada Bergan ee dalka Norway.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com