|
Sacad
Cumar Geedi oo ah rugcadaa Sport oo
xalay gurigiisa guddiga GOS casho
ugu sameeyey |
|
|
|
Guddiga GOS oo ka kooban guddoomiye
Adan Yabaroow Wiish , Xoghaye Cabdulaahi Taranbi iyo Xubin Maxamed
Muuse Jabroos ayaa xalay waxaa casho sharaf ku aadaneeyd soo
dhaweeyntii guddoomiyaha lagu soo dhaweeynayey Sweden xalay u
sameeyey rugcadaa hore oo Sport oo lagu magacaabo Sacad Cumar Geedi
oo deggan magaalada Stockholm ee dalkan Sweden.

Cashadan oo ay goob joog ka ahaayeen
bahda Sportiga Sweden qaarkood ayaa waxaa halkaa joogay odayaal
Sport oo uu ka mid yahay Cabdulqadir Cabdulle ( Cabdi Cadde ) oo
hore u ahaa guddoomiye ku xigeenkii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda
cagta haatana ka mid ah odayaasha ururweynaha SEUKI , iyo Abukar
Cabdulle Dhabareey oo isna ahaa cayaartooy hore ee kooxda gaadiidka
isla markaana ka tirsanaa shaqsiyaadkii ka soo qeyb qaatay
hormarinta cayaaraha xagaaga Stockholm.

Cashadan oo ay sidoo kale goobjoog ka
ahaayeen masuuliyiin ka soctday ururka SEUKI ayaa waxeey u dhacday
si aad u heer sareeya iyadoo uu guddoomiye Wiishna ka mahad celiyey
cashadaa sharafta leh ee loo sameeyey iyadoo uu isla markaana ka
faaleeyey aqoonta durugsan ee uu u leeyahay Oday Sacad Cumar Geedi
oo Sportiga ku soo dhex jiray ilaa lixdameeyadii.

Gudoomiye Wiish oo labadan maalmood ku
sugnaa magaaladan Stockholm ayaa maanta waxaa isaga iyo
xogheeyihiisu ay u amba baxeen magaalada Helisinki ee dalka Finland
iyagoo Stockholm dib ugu soo laaban doona dhawaan hadii allaha
awooda lihi ogolaado.

Soo dhaweeynta GOS uu uu ururweynaha
SEUKI ka qeybqaatay ayaa shir uu ururku isugu yimid kuna saabsanaa
soo dhaweeynta wafdiga waxaa xilkaa uu ururku masuul uga dhigtay
Faysal Makaraan oo ah guddomiye ku xigeenka ururka isagoo runtiina
hoowshaa si wanaagasan uga soo baxay wafdigana aad uga warqabay
intii ay joogeen magaalada.

Mudane Maxamed Muuse Jabroos ayaa noo
sheegay in shir weyn oo loogu talagalay bahda Sportiga oo dhan uu ka
dhici doono Folkets Hus oo ku yaal xaafadda ay ugu badan tahay
Soomalida iyadoo shirkaana uu bilaabmi doono 18.00 .

News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|