|
Kooxda Benadir Telecom oo bisha Juun ka cayaari doona cayaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhici doona magaalada Kambala ee dalka Ugandha |
|
|
|
Kooxda Bandir Telcom waxaa la asasay 1993 waxana laga dhisay wadanka Somalia gaar ahaan Gobalka Benadir Xafada Wardhiigley waxaana udub dhigeeda lahaa dhalinyaro Somaliyeed oo isu tagay waxanu uu ahaa hadfkooda in la hormariyo cayaaraha Somaliyeed iyo in la abuuro dhalinyaro yar yar oo
mustaqbalka matasho qaranka Somaliyeed waana ay ku guuleysteen hadafkoodo waxaa naadiga Banadir ka soo baxay cayaartoy aad u farbadan oo matala xulka qaranka Somalia oo magac iyo mansab fiican ku leh garanka kubada cagta markaaan u soo laabto aas aasayaashii Nadiga Banadir Telcom waxa ka mid
ahaa gudomiyaha nadiga Mudane C/rashiid Cali Jabane.C/qadir Nuur Xuseen (SIISOW) Salad Duwe. C/lahi Xussen Mahamed (Diqdiqeeye) C/casiis Cali Jabane (Ciisecade) Mahamed Muhudiin Xirsi (Xuuti) C/raxmaan Abukar (Carone Huuneste) C/lahi Xussen Dheere. Cabdi Xaji Goo Goo.Cali Jilacow Absuge. Qaalid
Xuseen Cabdi . Abdulhi Amaano. Abuukar Mahamed Sheekh (Abukar Afweyne) C/kariim Dilaxow. iyo dhalinyaro farabadan oo halkan aan lagu soo koobi karin.

kooxdan waa kooxda heysata laba horyaal oo ah kii 1999-2000 iyo kii hada ugu danbeeye ee ahaa horyaalkii 35aad waxaa kaloo xusid mudan in nadigan oo qaaday koobab aad u farabad oo ah kuwa munaasibadaha heer qaran naadigan waa nadi leh xafiis iyo maamul waa nadiga ugu taageeraha badan nadiyada ka
jira somalia waxaa kalo xusid mudan nadiga in ay soomareen cayaartoy aad u farabadan oo qaranka iyo kooxha magac ku lahaa waxaana ka mid ah Salaad indhoy, Faransa, Gaabshe, Rashka, Cabdi Joon,Yonis Shariif,Mooge,Maax Cabdi shiino,Mahamuud Gurey, Bakiyaa, Cali Xeyle,uumow,C/qadir Xeyle, Saciid
Sona,Abooti,Abshir Calooley,Cabdi Axmed, Tiirow,Ali maxamed Nur,Farxaan, iyo dhalinyaro badan oo aan halakan lagu soo koobi karin hada waxaa u safta dhalinyaro yar ayar oo mustaqbal kuleh kooxd oo hada tababar ku qaadanayaa wadan kenya.

kooxda waxaana la iloobi karanin macalimiintii soo martay oo ahaa macalimiin karti leh waxaan ka xusi karnaa macalinka madaalaha ah ee ilaa maalitii la aas asay naadiga ilaa iyo hada tababare u ah waa macalin Cali Maxamed Absuge( Ali Buu) oo aan dhihi karo waa madaale waxa kaloo soo maray kooxda
Macallin Nuur Suufi ( Nuur Gaab )Sakariyo, macalin Cawil,macalin Cumar,macalin Hilowle, iyo macaliminta hada tababarka kawado magaalada Nairobi oo ah rag madalayaal ah gudomiya kooxda C/rashiid Cali ayaa waxa uu u mahad celinayaa taageeryasha naadiga oo had iyo jeer lagarab taagan hiil iyo hooba waxaa kaloo aan aad ugu
mahad celineynaa ganacsatada magalada Nairobi iyo ururada ka qeybqaata gacansiinta Nadiga Banadir Telcom.

- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|