|
Kooxda Holland oo u awood sheegatay
kooxdii ka soctay Finland halka London
Starna ay tareenka saartay kooxda Oslo
Star |
|
|
|
Cayaar ka tirsaneeyd cayaarihii ugu
danbeeyey ee wareega koowaad oo maanta soo gabagaboobi doona ayaa
waxaa shalay iskaga horyimid kooxaha Tilburg oo ka soctay Holland
iyo Sonpet oo ka soctay Finland cayaarahan shalay oo ahaa kuwo aad u
adag waliba cayaartii danbe ee dhexmartay London Star iyo Oslo Star.

Cayaartii hore ayaa waxaa wada
cayaaray kooxda Tilburg iyo Sonpet iyadoo cayaartan ay kooxda
Holland aad ugu gacan sareeyeen runtiina muujiyeen cayaar
farsamadeedu ay aad u sareeyso.

Kooxda Finland ayaa iyadu waxeey
aheeyd kooxaha ugu wanaagsan dhanka anshaxa iyo aadaabta marka la
fiiriyo cayaaraha aya hore u soo cayaartay iyadoo ay kooxda
hogaaminayaan maamul aad iyo aad u wanaagsan kooxdana ka adag.

Cayaartan ayaa waxeey gabagabdii ku
dhamaatay 4-0 ay kooxda Tilburg uga badisay kooxda Sonpet.

Cayaartii labaad oo shalay ay dadku
wada sugayeen ayaa waxaa isku arkay kooxda London Star iyo Oslo Star
labadan koox oo shalay soo bandhigay cayaar adag oo dadkii
daawanayey ay jecleeysteen ayaad waxaad mooday in kooxda Oslo Star
ay wax xoogaa ka firfircoonaayeen koxda London Star qeeybtii hore ee
cayaarta iyagoo goolkii koowaadna kaga hormaray.

Qeeybtii danbe ee cayaarta ayaa
waxaa ay kooxda London Star badaleen qaab ciyaaroodkooda iyagoo
markii danbana hubsaday ineey kooxda Oslo Star kaga badiyaan 5-2 ku
dhan.

Cayaarahan xagaaga SEUKI 2008 oo
sanadkan kooxaha aka cayaaraya ay aad u wada adag yihiin ayaa waxaa
maanta ugu danbeeysay wareega koowaad ee cayaarahan iyadoo isla
berrina ay bilaaban doonto cayaarta Quarterfinelka oo ay isla
berriba wada cayaari doonaan labada koox ee ka wada dhisan magaalada
Stockholm waa kooxha Qaran oo ka dhisan wuqooyiga Stockholm iyo
Xiddigaha Rågsved oo ka dhisan koonfurta magaalada Stockholm.














Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|