22-07-2007 11:28:08 Ceelbuurnet.com
 
 Kooxda Olympic Amager ( Den ) oo 9 dhibcood heysta halka Halgan ( UK) ay dhulka ku jiiday kooxda Swizerland

Cayaarahii ka socday garoonka ugu shacbiyadda badan garoomda ay cayaaraha xagaaga ka dhacayaan ee Europe isla markaana ay isku arkaan kooxaha ugu magaca weyn uguna cayaarha wanaagsan kooxaha ka dhisan dalalkan Yurub sida London Stars , Ilamos , Xiddigaha Rågsved , Olympic Amager , iyo Tillburg (Holland) ayaa wali waxeey u socdaan si xamaasad leh iyadoo maalinba maalinta ka danbeeysana ay cayaarahan soo adkaanayaan.

Kooxahan ka cayaara garoonka weyn ee Spånga IP ayaad waxaa moodaa ineey ku jiraan kooxo ku cusub cayaarahan oo aan sanadkan si weyn isku soo diyaarin sida kooxda Swizerland balse waxaa ku jira kooxo aan kala dhicin oo ay adag tahay in la qayaaso kooxda koobka ku guuleeysan doonta.

Cayaarihii shalay dhacay ayaa waxaa isku arkay kooxda Olympic Amager (Den) iyo kooxda Midnimo (Göt) cayaartan oo ay kooxda Olympic hore u wateen laba badis iyo lix dhibcood ayaa waxaa ay kooxda Göteborg uga badiyeen 2-1 halkaasoo ay Denmark grupkan ku hogaaminayaan 9 dhibcood ku dhan.

 

Cayaartii labaad ayaa waxaa ay dhexmartay kooxda Halgan ( UK) oo runtii la dhihi karo waa koox aad u adag balse cayaarahan sanadkan ku cusub iyo kooxda Swizerland , cayaartan oo ay kooxda Halgan aad ugu gacan sareeysay ayaa waxaa ay ku dhamaatay 7-1 ay kooxda Halgan ku sabarsiisay kooxda Swizerland.

Maanta oo ay bishu tahay 22 July ayaa waxaa garoonka Spånga IP ka dhici doona laba cayaar iyadoo cayaarta koowaad ay wada cayaari doonaan kooxaha Sonpet ( Fin) iyo kooxda Sokoa ( Nor) iyadoo labadan kooxood oo cayaarahoodii hore laga soo wada badiyey ay cayaartan Finel u tahay si ay koox walba dhibco kala hoyato cayaarahan xagaaga ee SEUKI 2007.

Cayaarta labaad oo ay dadku wada sugayeen ayaa waxeey dhexmari doontaa labadii kooxood ee sanadkii hore Finelka wada cayaaray ee Xiddigaha Rågsved iyo Ilamos iyadoo la filayo in labadan koox ay maanta soo bandhigaan cayaar ay dadku ku raaxeeystaan maadaama uusan labadan koox wax press ah saarneyn oo ay labaduba wareegii labaad ee cayaarahan u soo gudbeen.

Labadan koox oo ay u ciyaaraan cayaartooy ay farsamadoodu aad u sareeyso ayaa waxaa laga sugayaa cayaar qurux badan oo dadkii sugayey qancisa.

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com