|
|
|
Shirsanadeedkii ururka SEUKI oo u dhacay
si aan hore loo arag horana loo maqal |
|
|
|
Shir aad loo soo
agaasimay loona soo qaabeeyey oo uu ururka SEUKI ku yeeshay xaafada
Haarlisden ee magaalada London ayaa wuxuu u dhacay si aan horana loo
arag horana loo maqal iyadoo uu shirkaana kulmiyey dhamaan
bahweeynta Sportiga ee magaalada London iyo waliba agagaarkeeda.

Shirkan ayaa
waxaa qabanqabaadiisa si wada jir ah uga qeyb qaatay xubnaha ka
tirsan ururka SEUKI ee reer London iyo waliba kooxaha ka cayaaraha
cayaaraha xagaaga ee degan magaalada London iyadoo uu guddigan
qabanqaabada guddoomiye u ahaa Sheekh Mukhtaar Shuute ayna ka mid
ahaayeen xubnahaas xafladdan quruxda badan soo agaasimay Maxamed
Cali Weerow , Bile Cali Xamaal , Axmed Bile , Maxamed Khaliif ,
Daahir Gacameey , Cabdirisaaq Seef , Macallin Zakariya , Xarbi Cali
, Xasan Dhuudhi.

Wafuuda ka kala
soctay kooxaha iyo waliba guddiga SEUKI ayaa waxeey degnaayeen
HotelIbis oo garabka ku haya Garoonka weyn ee caanka ah ee
Wembley balse tirada dadka lagu casuumay shirka oo aad u badneeyd
aawgeed ayaa guddiga qabanqaabadu waxeey xafladda u wareejiyeen
Restarung weyn oo ku taal xaafadda Heerlisden oo ku dhaw xaafadda
Wembley.

Shirkan oo uu
xiriirinayey wariyaha Barnaamijka Sportiga ee Telefishinka weyn ee
Universal TV Mar Sola ayaa waxaa markii ugu horeeysay lagu furay
aayadaha quraanka iyadoo ka dibna lagu soo dhaweeyey makirafonka
shirgudoonka shirkan islamarkaana ahaa guddoomiyaha guddiga
qabanqaabada shirka Sheekh Mukhtaar Shuute isagoo halkaana ku soo
dhaweeyey dhamaan marti sharafta ka soo qeyb gashay shirkan oo ay u
dhamaayeen odayaashii iyo cayaartooydii hore kuwooda ugu magaca
dheeraa dalkeenii , soo dhaweeyntaa ka dib ayaa waxaa islamarkiiba
la qeeybiyey cuno fudud oo ay shaqaalaha Ristrontiga weyn ee shirku
ka dhacayey ugu talagaleen ilaa 100 ka martida ahaa ee lagu soo
casuumay shirsanadeedkan SEUKI.

Markii cashadii
fududeeyd iyo salaadii maqrib laga soo laabatay ayaa wariye Sola
waxaa uu mar kale Mikrofonka ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ururka
SEUKI Cabdi Cumar Afrax oo ka war bixiyey waxqabadkii ururka SEUKI
intii uu dhisnaa iyo waxyaabaha uu mustaqbalka tiigsanayo ururku
isagoo halkaana uga mahad celiyeye marti sharaftii ka soo qeyb
gashay kulankan iyo waliba xubnihii sidan qaabeeysan u soo abaabulay.

Shirkan ayaa
sidoo kale waxaa lagu dhameeystiray heshiis ay hore labada urur ee
SEUKI iyo EuroSom ku kala saxiixdeen magaalada Leicester kaasoo ka
koobnaa lix qodob oo qodab ka mid ah uu ahaa in la abuuro guddi
farsamo oo ka socda labada urur si ay u soo xulaan cayaartooyda ka
cayaarta labada tartan guddigaas oo haatan la magacaabay waxaana
dhanka SEUKI u matalaya guddigaa 1- Sheekh Mukhtaar Shuute 2- Daahir
Cusman Faarax ( Gacameey ) iyo Bile Cali Xamaal halka ururka EuroSom
ay matalayaan 1- Macallin Bashiir Cabdi Daahir 2- Sabiriye Gaabow
iyo 3 -Yuusuf Maxamed Cabdi.

Shirkan ayaa
waxaa hadalo aad u qiireysan ka jeediyey halyeey Maxamed Ismaaciil
Cali oo aad ku wada xasuusataan koxdii Horseed iyo xulka qaranka
Soomaliya isagoo carabka ku dhuftay in dabka ka holcaya Sportiga
magaalada Stockholm ay baasiin ku shubayaan dad tiro yar oo reer
London ah isagoo aad ugu celceliyey in inta yar ee hormarka Sportiga
hortaagan la iska qabto.

Waxaa sidoo kale
hadalo wanaagsan halkaa ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka GOS
Mudane Duran Axmed Faarax oo halkaa ka soo jeediyey hadalo guubaabo
ah oo ku socda dhamaan bahda Sportiga dalkeena sidoo kale waxaa isna
hadalo ku saabsan wada shaqeeynta labada urur ee SEUKI iyo EuroSom
halkaa ka soo jeediyey Guddoomiyaha urur EuroSom Maxamed Diini waxaa
kaloo halkaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyey Macallin Shiino Guhaad
, Yaasin Maxamed Bulsho , Baana Cali, Abdulqadir Xuseen Soomareey , Axmed Cilmi
Faarax, Cabdulqadir Maxamed Farax Birirq , Shuceeyb Jumcaale
Barre iyo Abuukar Cali.

Sidoo kale waxaa
halkaa ka hadlay qaar ka mid ah hablihii Basketka dalkeenii oo ay
goobjoog ka ahaayeen Bakiin Maaxi , Diib Cabdi Jaamac , Shukri
Dhalbaas , Miski Cumar ,Faadumo Cali iyo qaar kaloo badan o aan halkan ku soo koobi
karin.

Xafladdan quruxda
badan oo aad dhawaan ka daawan doontaan Universal TV ayaa waxaa lagu
dhameeystiray qorituurkii sanadkan 2008 ka dhacaya magaalada
Stockholm oo waliba sanadkan cayaaraha SEUKI ay u ciidayaan 10
guuradii cayaaraha xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm maadaama uu
fikirka qabashada cayaarahan lahaa halyeey Cawad Xasan oo ka tirsan
ururka SEUKI iyo waliba qaar ka tirsan kooxaha ka cayaara cayaarah
oo ka mid ahaa kuwii soo bilaabay ayaa wuxuu ururka SEUKI sanadkan
si gaar ah u xusi doonaa 10 guurada cayaaraha xagaaga Stockholm.

Waxaa sidoo kale
halkaa hadal gaaban ka soo jeediyey Guddoomiya kooxada Xiddigaha
Rågsved oo ku hadlayeye magaca kooxaha maadama ay soo wakiisheen
isagoo ka hadlay hormarka degdegga ah ee ay cayaarahan xagaaga SEUKI
gaareen iyo sida ay hore ugu socdaan.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xuseen Bissad oo ah nin Soomali
ah kana tirsan dadka dunida ugu dhaadheer ayaa halkaa isaga wuxuu ka
jeediyey hadalo gubaabo ah , sidoo kale waxaa xafladdan goob joog ka
ahaa websiteyada kala ah Somali Sport iyo markacadey.net .

Ururka SEUKI ayaa wuxuu mahad ballaran u dirayaa dhamaan bahdii
Sportiga ee ka soo qeybgashay shirkan gaar ahaan Bashiir Mursal , Mr
Sola , Maxamed Buube iyo dhamaan inta gacanta ka geeysatay
bilicsamida xafladdan.

Isku aadkii
tartanka ayaa wuxuu noqday sida hoos ku xusan .
Group A
Irland
Leicester
Olympic Danmark
Xiddigaha Rågsved
Group B
Sokao Bergan
Sonpet (Fin)
Tillbrug
(Holland)
London Star
Group C
Midnimo (Göte)
Ilamos
Qaran
Streatham
Gabagabadii
shirkan ayaa waxaa hadal gaaban ka soo jeediye Cali Nuur Garaash oo
ka tirsan odayaasha Sportiga magaalada Stockholm isagoo halkaa ka
sheegay sida uu ula dhacay shirkan quruxda badan isla markaana wuxuu
sheegay in qorituurku u u dhacay si cadaalada ah oo ay koox walba ku
qanacsan tahay .













More Picturs click here (
Sawiro intaa ka badan si aad u daawato halkan riix )
Mohamed
Sheikh Nuur
shikha114q@hotmail.com
|