|
|
|
KOOXDA OSLO STARS OO HANTIDAY KOOBKII
SANADGUURADDA 17AAD EE SOMALILAND |
|
|
|
KOOBKAN OO SANAD WALBA LA QABTO 18 MAY AYAA WAXAA SANADKAN KA SOO
QAAYBGALAY DHAMAAN 12 KOOXOOD EE OSLO KA DHISAN YAR YAR IYO
WAAWEEYNBA.
Koobkan oo sanadkan aad loo soo abaabulay waxaana kaalin weeyn ka
qaatay habka aay
cayaaruhu u dhacayeen odayga ama aabaha cayaaraha Somaliland Mudane
Xassan Waraaba
cadde oo kaashanayay Cabdirahmaan Lisaaye iyo Abdi jama.
Hadaba tartankan oo loo kala qaaybiyay laba qaaybood oo kala ahaa

Group A
Group B
1- Old Boys
1-Old Boys 2
2-Qaranka 2
2-Qaranka 1
3-Oslo Stars
3-Bulsho
4-Rømsos
4-Torshov
5-Tawfiiq
5-Dahabshiil
6Lørenskog
6-Skao
Si kastaba ha ahaatee tartanka oo dheeree maanta oo bilaabmay
saacadu markaay ahaayd
11am oo qolo waliba diyaar ku ahaayd ayaa waxaa xusid mudan Safiirka
Somaliland ee
Norway Mudane Maxamed Aden Linen oo isagu goobta ku sugnaa kana
hadlay furitaankii
cayaarta ayaa waxa uu dhalinyaradda ku guubaabiyay in aay maanta
tahay xuskii
Somaliland oo wax lagu farxo aay tahay dhalaankeedii iyo kuwa kaloo
somaliba ah aay
wada jir ugu dabaaldagayaan maanta , Waxa uu ku nuuxnuuxsaday
safiirku in aay
Somaliland tahay goob nabada oo qof walba uu nabad ugu noolaan karo
waxaana uu kula
dardaarmay dhalinyarada in aay qalbiga ku hayaan dalkooda oo maanta
idinka idin
sugaya waxaana runtii u dhacay sacab aad u balaadhan ugu dambeeyntii
waxa uu
safiirku laaday kubadii ugu horeeysay.
ayagoo aaay cayaaruhu aad u dheeraayeen ayaa waxaa semi faynalka
iskugu soo haray 4
kooxood oo kala ahaa Torshoov iyo Oslo Stars oo isku beegmay iyo
Sukao v Qaranka
waxaana wax la xuso ahaayd kooxda toorshoov oo guray watay oo dadaal
aad u dheeri ah
la soo shir tagtay maanta waxaase cayaartii ku soo gabagaboowday
kooxda Oslo Stars
oo 2-0 guushii ku raacday, dhanka kalee semi faaynalka waxaa isku
haleelay labada
kooxood ee Oslo ugu Tunka weeyn oo kala ahaa Kooxda Sukao iyo
Qaranka oo ahaayd
cayaar aad u adkeeyd kooxdan oo lagu tiriyo kooxaha ugu koobabka
qaadista badan Oslo
waxaayse cayaartu ku dhamaatay 1-1 barbardhac ahaa waxaana lagu kala
saaray
rigoorayaal aay guushii ku raacday Qaranka kadib markii goolwale
Mawliid uu laba
gool kabadbaadiyay kooxda skao.
Cayaartii Faaynalka ahaayd oo dhexmartay kooxda xidigaha Oslo iyo
Qaranka oo ahaayd
cayaar aad u adkeeyd waxaay cayaartii ku soo gabagaboowday kooxda
Oslo stars oo
guushii hantiday hambalyo hambalyo .
Tartanka waxaa mahad gaara loo celinayaa dhalinyaradii garsoorka
haaysay oo mudan in
la xuso iyo odayda tartanka hogaanka u hayay oo uu ugu horeeyo
Xassan Wraabacadde.
Tartanka waxaa mahad gaara loo celinayaa dhalinyaradii garsoorka
haaysay oo mudan in
la xuso iyo odayda tartanka hogaanka u hayay oo uu ugu horeeyo
Xassan
Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|