|
|
|
Xubin
ka tirsan maamulka degmada Hodon oo la
toogtay iyo falal qaraxyo ah oo xalay ka
dhacay Muqdisho |
|
|
|
Xalay fiidkii abaara 8:00 ayay
kooxo ku hubeysan Bastoolada waxa ay toogasho ku
dileen marxuum la oran jiray C/raxmaan Xuseen Ottodheere oo ahaa
guddoomiyihii
waaxda koowaad ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, xilli uu
fadhiyay meel
Farmashiye ah oo ku taala xaafada Siigaale.
Marxuumka ayaa toogashadiisa kadib, waxaa uu ku nafbaxay isla
goobtii, iyadoo
meydkiisana laga qaaday halkaasi, waxaana marxuumka saaka lagu aasay
isla degmadaasi
Hodon.
Maamulka sare ee degmada Hodon ayaa tacsi u diray qoyskii iyo
eheladii uu ka
geeriyooday marxuumka iyagoo sheegay in kooxaha dilay ay yihiin
kuwii dili jiray
mas'uuliyinta dowladda balse aan loo aaneyneynin cid kale, sida uu
sheegay
guddoomiyaha degmada Hodon Mr. dhabeney.
Dhinaca kale, falal qaraxyo ah iyo Rasaas xoogan ayaa xalay ka kala
dhacay qeybo ka
tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaana goobo ay degan yihiin ciidamo
ka tirsan
dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka, iyadoo xarumaha ay ka dhaceena ay
ahaayeen xaruntii
hore ee gaashaadhigga oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah, iyo
xarumo kale.
Lama soo sheegin qasaare ka soo gaaray weeraradaasi dadka rayidka ah
wallow ay dhici
karto, waxayna weerarada xalay ahaayeen kuwo lagu fuliyay Bambooyin
nooca gacanta
laga tuuro ah.
- Garaad
Salaad Xirsi
- garaadcadde@hotmail.com
|