|
Koobka ugu adag uguna taageerayaasha
badan Yurub ee SEUKI 2008 oo si habsami
leh uga socda garoonka weyn ee Spånga IP
iyadoo dhawaana la gali doono wareegii
labaad ee cayaarahan |
|
|
|
Koobka ugu adag uguna
taageerayaasha badan ee ka dhaca Yurub ee lagu magacaabo SEUKI 2008
ayaa wali wuxuu si habsami leh uga socdaa garoonka weyn ee Spånga IP
yadoo haatana uu koobkani ku soo dhawaaday wareegii labaad ee
cayaarahan oo ay ku looltami doonaan 8 kooxood.

Koobkan oo ay ka cayaaraan kooxaha
ugu magac weyn ee ka dhisan wadamada Yurub ayaa waxaa maalin kasta u
soo daawasho taga shacab aad u tira badan iyadoo shacabkana ay kala
taageeraan kooxha ku hardamaya tartankan.

Tartankan oo maalmahanba si habsami
leh uga socday garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxaa shalay wada
cayaaray kooxaha Olympik Denmark iyo kooxda Irland.

Cayaartan ayeey kooxda Olympic ku
qasbaneeyd ineey badiso si ay ugu soo gudubto wareega labaad ee
cayaarahan SEUKI 2008.

Kooxda Denmark oo runtii ka mid ah
kooxaha looga cabsi qabo koobka ayaa sanadkii hore waxaa looga
badiyey cayaartii finelka balse waxeey Denmark cayaartan ay la
yeesheen shalay kooxda Irland uga badiyeen 4-2.

Cayaartii labaad ee shalay ka
dhacday ayaa aheeyd cayaartii ilaa hadda ugu qurxaneeyd intii uu
tartanku socday iyadoo ay ku kulmeen kooxaha Xiddigaha Rågsved iyo
kooxda Licester oo ka soctay dalka Uk.

Kooxda Licester ayaa shalay waxeey
soo bandhigtay cayaar dadkii daawanayey soo jiidatay inkastoo looga
badiyey 3-1 haddana kooxdu waxeey muujiyeen ineey ka mid yihiin
kooxaha u qalma ineey koobka qaadaan.

Cayaarahan ayaa waxaa garab socday
bandhig faneed halkaa oo uu dadweynaha maaweelinayey Al- Fanaan
Cabdi Fataax oo uu Dj u aha Xasan Wuqooyi.

Garoonka Shalay ayaa mar qura waxaa
ku kulmay bahda warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Universal TV ,
Warsan TV , TV Horseed , iyo Somalistar TV.






















Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|