27-07-2007 11:17:53 Ceelbuurnet.com
 
 Kooxda Holland oo 4-2 ku suuldaartay SOSYD( Nor) halka ay London Stars iyo Qarana isla dhaafi waayeen 2-2

Cayaaraha xagaaga SEUKI 2007 ee ka socda garoonka weyn ee Spånga IP ayaa maalinba maalinta ka danbeeysa sii adkaanaya iyadoo shalayna ay fooda is adreen kooxaha Tilbrug ( HOL ) iyo SOSYD ( NOR) iyo London Stars iyo Qaran ( SWE).

Cayaarahan oo ay tii koowaad yeesheen kooxahaha Holland iyo Sosyd ayaa waxeey ku bilaabatay dardar iyo firfircooni ay laba kooxba la soo shir tageen iyadoo gooshii koowaad ay ku hor martay kooxda Sosyd ee ka socta dalka Norway.

Kooxda Holland ayeey waxeey u suragashay ineey goolka iska soo gudaan balse cayaartan oo aad u kululeeyd ayeey kooxda Holland oo uu tabare u yahay Axmed Baliile (Abaliisha) hubsadeen ineey garoonka kalabaxaan 3 dhibcood si ay u hubiyaan ineey u soo gudbeen wareega labaad ee cayaarahan gabagabadii cayaartana waxeey ku dhamaatay 4-2 ay koxda Holland ku kala dirtay kooxda SOSYD ( NOR).

Cayaartii labaad shalay oo ay dadku wada sugayeen ayaa waxeey dhexmartay kooxda Qaran (Stockholm ) iyo London Stars cayaartan oo aad u quruxbadneeyd marka la fiiriyo farsamadeeda ayeey waxeey labada kooxoodba soo bandhigeen cayaar ay dadku jecleeysteen.

Kooxda London Stars ayaa cayaartan ka hor waxeey wadatay guul iyo 3 dhibcood halka Qaran cayaartii hore laga soo badiyey oo aysan wax dhibco ah wadan .

Cayaartan quruxda badneeyd ee labadan koox ayaa gabgabadii waxeey ku dhamaatay barbardhac 2-2.

 

Garoonka Spånga IP ayaa waxaa shalay marti ku ahaa fanaanka khadka dhexe King Khalid oo halkaa dadkii fadhiyeye fadhiga ka kiciyey isagoo halkaa ka qaaday heeso ay dadku jecleeysteen.

Ceelbuurnet.com boggiisa cayaaraha ayaa wuxuu booqday jikada makhaayadda Sheekh Daahir halkaasoo cuntada kooxaha lagu kariyo wuxuuna halkaa sawir ka soo qaaday shaqaalaha madbakha iyo cuntadii ay kooxaha u diyaarinayeen.

 

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com