|
Kooxda Holland oo u so gudubtay
wareegii labaad ee cayaaraha xagaaga
SEUKI 2009 ka dib markii ay shalay
ka badisay kooxda Husby iyo Oslo
Norway iyo Rinkeby Star oo 2 - 2
isla dhaafi waayey |
|
|
|
Cayaaro aad u xiiso badan ayaa
shalay ka dhacay garoonka weyn ee Spånga IP iyadoo ay cayaartii hore
fooda is dareen kooxda Holland iyo kooxda Husby .

Cayaartan ayaa waxaad mooday in
isku dheeli tirneeyd qeeybteedii hore balse kooxda Holland ayaa u
awood sheegatay kooxda Husby qeeybtii danbe iyadoo cayaartu ay ku
dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday kooxda Holland oo ay ka muuqato
ineey sanadkan gaari doonto meelaha ugu danbeeya.

Cayaartii labaad oo aheeyd mid aad
u xamaasad badan ayaa waxaa fooda is daray labada koox ee Rinkeby
Star iyo Oslo Norway cayaartan oo aheeyd mid ay dadku fadhiisan
waayeen sawaxankuna uu aad u badnaa ayaa waxeey labadan koox isla
dhaafi waayeen 2-2 .

Cayaarahan shalay ayaa waxaa
goobjoog ka ahaa wafdigii xiriirka kubadda cagta Jabuuti , waxaa
kaloo shalay garoonka soo gaaray fanaankii weeynaa Xasan Adan
Samatar ,Guddoomiyaha ururka SKIF Abuukar Adan Deeqow ( Boss
Caato),Xubin GOS Maxamed Muuse Jabroos ,Abuukar Cabdulle
Dhabareey,sidoo kale waxaa garoonka soo gaaray sarkaal ka soctay
hay,adda cayaaraha Sweden.

Cayaarahan ayaa waxaa ka soo qeyb
galay dadweyne aad u fara badan iyadoo jawiguna ahaa mid aad u qurux
badan oo uusan kuleeyl iyo qaboowba laheeyn.








































- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|