22-07-2009 01:38:59 Ceelbuurnet.com
Ururweynaha SEUKI oo maanta gado sharaf u sameeyey maxdaxdii xiriirka kubadda cagta Jabuuti oo maalmahanba marti u ahaa

Ururweynaha SEUKI ayaa maanta waxaa ay qado sharaf u sameeyeen madaxda xiriirka kubadda cagta Jabuuti oo maalmahanba marti u ahaa  iyagoo qado sharaftaana ku sameeyey guriga Cabdi Dhuxul oo xubin ka ah ururka.

Wafdigan oo ka kooban guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka Cecafa mudane Xuseen Fadul iyo xoghayaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti mudane Cali Kaamil Cali ayaa waxeey ka soo qeyb galeen cayaarahan xagaaga SEUKI 2009 iyagoo casuumaad rasmi ah ka helay ururweynaha SEUKI.

Qadadii ka dib ayaa waxaa hadalo ku saabsan  sidii wada shaqeeyn ay u yeelan lahaayeen xiriirka kubadda cagta Jabuuti iyo ururweynaha SEUKI isku soo qaaday labada dhinac iyadoo arintaasina lagu dhameeystiri doono kulan kale oo dib loo qaban doono hadii allaha awooda lihi yiraah.

Sidoo kale guddoomiye Xuseen Fadul ayaa guddiga SEUKI ka codsaday sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta oo xilligan ku jira xalaad aad u adag.

Guddomiyaha xiriirka kubadda cagta Jababuuti ayaa beri u dhoofi doona magaalada Göteborg si uu uga qeyb galo furitaanka cayaaraha EuroSom iyadoo ay sii raaci doonaan xubno ka tirsan ururka SEUKI.

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com