21-07-2009 11:00:58 Ceelbuurnet.com
Kooxda Drevj Norway oo shalay shaki galisay rajada London Star oo ah kooxda haysata koobka ineey u soo gudubto wareega labaad ee cayaaraha SEUKI 2009 ka dib markii ay uga badisay 1 - 0

Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 oo wali si habsami leh uga socda garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxaa shalay wada cayaaray kooxaha Drevj Norway iyo kooxdii horyaalka sanadkii hore London Star iyo ay kooxdii Norway ku quusisay kooxda London Star 1 - 0.

Kooxda London Star oo shalay soo bandhigtay cayaar aad u heer sareeysa balse aan wadan goolhaye oo uu guusha ku jiray cayaaryahan dhexda uga cayaara ayaa waxaa laf dhuunta gashay ku noqday goolhaya kooxda Drevj Norway oo la dhihi karo waa goolhaya ugu fiican ilaa hadda inta koox oo cayaartay.

Kooxda London Star ayaa waxaa cayaarta u harsan ay kala hortagi doontaa kooxda Xiddigaha Rågsved taasoo noqon doonta cayaar ay dadku wada sugayaan waloow ay labada kooxood hore saxaafadda isku dhaafsadeen hadalo xiiso galinaya cayaartooda iyo iyadoo London Star ay qasab ku tahay ineey badiso cayaarta u harsan inkastoo aan la ogeeyn sida ay noqon doonto cayaarta dhexmari doonta Xiddiaha Rågsved iyo kooxda Drevj Norway.

Cayaartii labaad shalay ayaa waxaa wada cayaaray kooxda Leicester iyo kooxda Wadani oo ka soctay Denmark.

Cayaartan ayaa aheeyd mid aad u xiiso badneeyd labada kooxoodna ay isku hayeen weerar iyo weerar celis waxaana ay cayaartan guushu ku raacday kooxda Leicester oo 4 - 2 uga badisay kooxdii Wadi Ball Kulub oo ka soctay dalka Denmark.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com