|
Maxamed Deeqow Macaalin (Jacksson) oo xiriirka kubadda cagta Kenya ka soo dhameeyey casuumaad lagu tagi doono Kenya |
|
|
|
Waxaa ururweynaha SEUKI dib ugu soo laabatay Maxamed Deeqoow Macallin (Mr Jacksson) oo ah rug cadaa Sport horana uga tirsanaa ururkan isla markaana wax ka soo aasaasay ururo badan oo Sport oo ka dhisan qaraadan Yururb waxaana ka mid ah ururadaa Soneca NL oo ka dhisan
dalka Holland , Sokoa oo ka dhisan dalka Norway iyo SEUKI.

Mr Jacksson oo hore uga mid ahaa cayaartooydii xiliyadii danbe u soo safaty kooxdii caanka aheeyd ee heerka koowaad ee Horseed ayaa wuxuu sidoo kale macallin u soo noqday kooxo badan oo ka dhisan Holland , Norway iyo Sweden.

Mr Jacksson ayaa wuxuu sanadkan safar ku tagay dalka Kenya isagoo halkaa ka soo dhameeyey warqad casuumaad ah oo rasmi ah oo ay xiriirka kubadda cagta Kenya u soo direen kooxaha qurbajoogta Soomalida iyadoo Mr Jacksson uu go,aansaday in casuuumadan uu ku soo wareejiyo
ururweynaha SEUKI oo isagu qabta tartanka ugu adag qurbaha iyadoo halkaana uu ururku isku dayi doono inuu kala tashto kooxaha laga soo xuli doono cayaartooydan maadama uu xilligu aad u dhaw yahay waxaana taas go,aan ka qaadan doona kooxaha iyo ururka .
Caasumada uu Mr Jacksson ka soo dhameeyey xiriirka kubadda cagta Kenya ayaa qorshihiisu yahay in kooxada Soomalidu la cayaari doonto xulka dalka Kenya iyo Kooxda Horyaalka heeysata dalka Kenya loona yaqaan Madare United iyo waliba koox matleeysa gobolka wuqooyi Bari ee
Kenya oo ah halka ay soomalidu ka degto dalka Kenya.
Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI mudane Sheekh Muqtaar Shuute oo masuul ka ah uruweynaha SEUKI ayaa wuxuu xilkan guddomiye sharafeed u magacaabay Mr Jacksson .
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|