|
Tartanka kubadda cagta ee la magac
bacxay Somaliweek ayaa magaalada Toronto
ka furmi doona Toronto 30 Juun 2009 |
|
|
|
Tartanka kubadda cagta
ee la magac baxay Somali Week ayaa magaalada Toronto ee waddanka
Canada ka furmi doonaa bisha June 30keed isagoo socon doona ilaa iyo
July 12,2009.
Tartanka sannadkan
ayaa u muuqda mid ka xiiso badan kuwii sannadihii la soo dhaafay,
iyadoo ay ka soo qeybgali doonaan 16 kooxood oo ka kala socda
Canada, USA iyo Yuurb.

Kooxahan ayaa iyagu
loo qeybin doonaa affar qeyb (Group) oo qeybkasta ka kooban 4
kooxood.
Labada kooxood ee ugu
dhibcaha badan ayaa qeybkasta ka soo bixi doonta sidaana wareega
labaad ay 8 kooxood ku soo hari doonaan.
Ciyaarahan ayaa waxay
ka dhici doonaa garoomada weyn ee Centennial Park iyo Esther Shiner
Stadium.
Dhamaan kooxaha ka soo qeybgalaya
tartankan ayaa waxaa lagu wargelinayaa iney dhowraan sharciyada
tartanka oo ka duwan kuwii sannadihii hore.
Kooxdii iyada u hogaansamiweydo
sharciyadan ayaan loo ogolaan doonin iney ka qeybgasho tartankan.
Sharciyada Somali Week Cup
2009 ayaa waxaa ka mid ah:
1) Koox kasta waa iney ka koobnataa
ugu badnaan 20 ciyaartooy, 1 Tababare iyo 1 Maamule.
2) Ciyaar kasta waa iney kooxda soo
gudbisaa magacyada ugu badnaan 18 ciyaartooy oo ka mid ah 20ka
ciyaartooy. 11 ciyaartooy oo garoonka galaya iyo 7 kayd u ah. Halka
labada kalena ay ka mid noqon doonaa daawadayaasha.
3) Ciyaartooygii ay kooxdiisa
maalinta ay ciyaarta leedahay lagu soo daraa liiska ciyaartooyad
isla markaana soo xertaa funaandda (Maaliyda) kooxda, koox kale uma
ciyaari karo.
4) Koox kasta waxaa loo ogol yahay
oo KELIYA hal ciyaartooy oo ajnabi ah. Kol haddii uu ciyaartoygan uu
kooxda u soo safto looma ogolaan doono iney kooxda ku beddesho
Ajnabi kale.
5) Tababaraha kooxda iyo
Guddoomiyaha kama mid noqon karaan ciyaartooyda.
6) Qof ka mid ah guddiga qaban
qaabinta tartanka sinnaba ugama mid noqon karo koox ka qeybgaleysa
tartankan. Haddii si kale loo dhigo ma noqon karo ciyaartooy,
maamule ama tababare.
7) Ciyaartooy kasta waa inuu soo
gudbiyaa 2 sawir si loogu sameeyo warqadda aqoonsiga, tasoo
la'aanteeda aan ciyaartooyga loo ogolaan doonin inuu garoonka galo.
Fiiro Gaar:
Kooxaha dibadda waxaa loo sheegayaa in guddiga qaban qaabinta ay
siin doonto Qado oo keliya. Cashada, Jifkooda iwm waa iney ku soo
talo galaan.
Wixii faa-faahin intaa dheer kala
xiriir:
Mukhtar Mohamed Ahmed (Mukhtar Cuti)
416-457-5706 Email: mukhtarcuit@hotmail.com
Saadiq 647-889-0686 Email: sadiksadik7@gmail.com
koobka
Dhallinta Cuslaatay
Sannadkan ayaa waxaa iyagana si
gaar ah koob loogu dhigi doonaa ciyaartooyad cuslaatay. Tartanka
ayaa waxaa ka soo qeybgali doonaa 2 koox oo ka socota Canada, mid ka
imaaneysa Yurub iyo hal metteli doonta USA. Ciyaartooyada kooxahan
ayaa badankooda noqon doonaa ciyaartooydii hore ee heerka kowaad "Serie
A" iyo xulka qaranka. Waxaa la filayaa in koobkan uu si gaar ah ku
soo xusiisin doono waagii nabadda iyo garoomadii Muqdisho Stadium
iyo Stadio CONIS
Insha Allaha shabakadda
www.xiddigaha.ca ayaa ka haqabtiri doontaa dhamaan
kullamada tartankan iyo faaqidaada ciyaaraha oo dhan.
W/D: Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|