|
|
|
Franciose Fall wakiilka xogyaha guud ee QM Soomaaliya oo sheegay in wafdi ka socda QM ay Muqdisho soo gaari doonaan si ay wada hadal ula yeeshaan maxaakimta Islaamiga ah.
Franciose Fall ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in team ka socda QM ay soo Soomaaliya soo gaari doonaan iyadoo kooxdaasina ay wada hadal la yeelan doonaan ,asuuliyiinta Midowga maxaakimta Islaamiga ah ee gobalka Banaadir dhowaanahana ku sii fidiyay goballada dalka qaarkood. Franciose Fall ayaa sheegay inuu rumeysan yahay masuuliyiinta maxaakimtu inay yihiin dad qunyar socod ah sidaasi darteedna ay ka wada hadli doonaan iyaga iyo maxaakimta arrimo quseeya xaalka siyaasadeed ee dalka iyo waliba sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.
Dhan kale Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Franciose Fall ayaa ka digay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Soomaaliya inuu noqon doono mid goboleed haddii ay ku lug yeelato dalka Itoobiya.
Ceelbuur Net |