Ciidamadii Cabdiwaal oo la sheegay xalay inay gaareen degmada Guriceel.

 

Ciidamo daacad u ahaa Cabdi Nuurre Siyaad Cabdiwaal oo ka mid ahaa Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ayaa la sheegay inay xalay gaareen degmada Guriceel oo ay beeshiisu degto.

Ciidamada deegaankaasi gaaray oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kale gedisan,ayaan la sheegin u jeedada ay halkaa u tageen iyadoo la sheegay u jeedka ay halkaa u tageenna ay ugu weyn tahay amar ka soo baxay Cabdiwaal si hubkiisa uu ugu wareejiyo beesha uu ka dhashay oo deegaankaasi degta.

Cabdi Nuurre Siyaad baabuurta tiknikada ah ee gaartay Guriceel isaga kuma jiro,iyadoo aan la sheegin meesha uu imika ku sugan yahay hayeeshee warar ay shabakaddan Ceelbuurnet ay heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in imika uu ku sugan yahay meelo ka tirsan isla gobalka Galgaduud,inkastoo warar madax banaan ay sheegayaan inuu hayo Maxamed Qanyare oo imika ku sugan deegaan ay beeshiisu ku xoog badan tahay aaneyna suuragal aheyn in loogu yimaado waqti xaadirkan,inkastoo hadana la sheegayo maxaakimta iyo Qanyare inay isku soo dhowaadeen mab'da ahaan marka loo eego.

Maxamed Sheekh Nuur.
Muqdisho.
shikha114q@hotmail.com
sheekha@ceelbuurnet.com
Tel-002521-585500

Ceelbuur Net