|
Kooxda Sokoa oo la qaban la,ayahay iyo
London Star oo shalay ciida
cunsiisay kooxda Tilburg ee ka soctay
Holland |
|
|
|
Cayaarihii xiisaha lahaa ee
maalmahanba ka socday garoonka weyn ee Spånga IP ayaa shalay waxaa
isku arkay kooxha Sokoa oo maalmahan la qaban la,ayahay iyo kooxda
Oslo Star oo ka wada socday dalka Norway halka ay cayaartii labaadna
shalay isku arkeen kooxda Tilburg oo ka soctay dalka Holland iyo
kooxda London Star oo ka dhisan xaafadda Wembley ee magaalada
London.

Cayaarahan oo aad u xiisa badnaa
ayaa waxaa cayaartii koowaad wada cayaaray kooxda Sokoa iyo kooxda
Oslo Star iyadoo ay labada kooxba soo bandhigeen cayaar aad u
heersareeysay oo uu dadku jecleeystay ayaa waxaa ay ku soo
gabagabooday 1-0

Cayaartii labaad oo uu dadku wada
sugayey ayaa waxaa shalay isku arkay kooxda Tilburg oo ka soctay
dalka Holland iyo kooxda London Star oo ka soctay dalka UK.

Cayaartan ayeey kooxda London Star
oo cayaartii hore ay ka maqnaayeen cayaartooy muhiim ah sida
goolhayaha kooxda Maxamed waxaa haatan u yimid cayaartooydii ka
maqneeyd iyadoo uu sida uu sheegay macallin Daahir Gacameey ay
kooxdu haatan diyaarsan tahay.

Cayaartan oo aad u qurux badneey
ayaa waxaa ay guushu ku raacday kooxda London Star oo kooxda Tilburg
oo iyaga xitaa ay ka maqnaayeen cayaartooy badan kaga badiyeen 2-0

Cayaarahan ayaa waxaa maalin kasta
soo buux dhaafiya dadwenaha cayaaraha xiiseeya ee reer Stockholm
iyadoo aadba moodo in aysan wax cayaara ah oo kale aysan ka jirin
magaalada inkastoo ay meel aan sidaa uga sii fogeyn garoonkan uu ka
socdo tartan kale oo sidan oo kale ah.
























Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|