20-07-2007 10:38:20 Ceelbuurnet.com
 
 Halgan oo cayaar la yaab leh soo bandhigtay shalay iyo Streatham oo Swizerland ku durdurisay

Shalay oo ay bishu aheeyd 19 July ayaa sidii caadiga aheeydba waxaa cayaaro iskaga hor yimid kooxaha Streatham iyo Swizerland , cayaartan oo ay kooxda Streatham ku gacan sareeysay 100% ayaa waxeey ku dhamaatay 8-0.

Kooxda Swizerland oo ay cayaarahan ugu horeeyso sanadkan ayaan runtii si wanaagsan isku soo diyaarinin maadama aysan la socon heerka ay joogaan kooxaha ka cayaaraya tartanka xagaaga SEUKI 2007 balse waxaa la filayaa in ay hadda ka dib u soo diyaar garoobi doonto.

Cayaartii labaad ee dhexmartay kooxda Denmark iyo Halgan ayaa waxeey aheeyd cayaar aad u qurux badan dadka garoonka buuxayna u diiday fadhi iyadoo dadku qayaasayey in kooxd Olympic Amp ee Denmark ay si sahal ah u mari doonto Halgan ayaa waxeey taasi noqotay riyo maadaama ay kooxda Halgan shalay soo bandhigeen cayaar la yaab leh oo runtii mararka qaar aad mooday ineey iyagu ku gacan sareeyeen cayaarta balse kooxda Denmark oo ah koox diyaarsan ayaa waxeey hubiyeen ineey halkaa kala tagaan 3 dhibcood iyago haatana heeysta laba badis  iyo 6 dhibcood.

 

Kooxda Denmark ayaad waxaad moodaa in xoogaa ay ka liitaan difaaca balse waxeey wataan weerar aan caadi aheeyn marka loo eego kooxahah kale badankood.

 

Cayaarhan shalay ayaa waxaa aad u soo buux dhaafiyey dadweyne fara badan oo aan caadi aheeyn iyadoo sidoo kalena ay garoonka joogeen odayaashii hore ee Sportiga.

Waxaa kaloo xusid mudan in shalay uu cayaarta calanwale ka ahaa garsoore Soomaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Cali Weerow oo ka yimid dalka England si uu cayaarahan u dhexdhexaadiyo.

Isku soo duubo jawiga garoonka Spånga IP ayaa wuxuu shalay ahaa mid aan caadi aheeyn iyadoo halkaasina uu dadweynaha maaweelinayey fanaanka caanka ah Super Khalid iyo Jelle.

 

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com