21-02-2009 18:42:08 Ceelbuurnet.com
Dood wadaag uu soo qabanqaabiyey barnaamijka cayaaraha ee Universal TV oo ay cayaartoydii hore qaarkood ku dhaliileen ururada ku howlan hormarinta Sportiga Somalida

 

Barnaamij uu soo diyaariyey TV weyn ee Universal qeybtiisa Sportiga oo uu aalaaba daadihiyo wariye Sola ayaa waxaa habeen dhaweeyd uu soo bandhigay barnaamij ku saabsan doodwadaag ay bahda Sportiga yeelanayeen iyadoo laga hadlayey qeybo badan oo iskugu jira Sportigii dalka Soomaliya xiliyadii barasimaadkii iyo xiligan burburka ee haatan lagu jiro.

 

Barnaamijkan ayaa waxaa marti ku ahaa caayartooy u badneeyd kooxdii xoogga dalka ee Horseed iyadoo uu ka mid ahaa cayaaryankii weeynaa Maxaed Ismaaciil , Saciid Ceerow , Abaliisha iyo Zakariya oo isagu u safan jiray naadigii Muqdisho.

 

Dooda ay cayartoydan is dhaafsanayeen gaar ahaan Maxamed Ismaciil iyo Saciid Ceerow ayaad mooday in xoogaa ay dhaliilsanaayeen sida loo wado howlaha Sport ee lagu hormarinayo dhalinyarada  Soomalida ah ee qurbajoogta ah iyo waliba kuwa Soomaliya.

 

Doodan ayaad waxaad moodeeysaa in xooga looga soo horjeedo ururada qabanqaabiya cayaaraha kala duwan ee ka dhaca Sweden , Canada iyo UK .

 

Haddaba codsi naga soo gaaray bahweynta Sportiga qaarkood oo doonaya ineey doodan balaariyaan ateen waxaan halkan ka fureeynaa bog ay bahdu ku uga doodo arimahan.

 

ka daawo halkan ( Riix halkan)

 

Hadaba ka qeybqaado doodan adigoo riixaya halkan hoose

 

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com