20-07-2008 13:36:48 Ceelbuurnet.com
Kooxda Ilamos oo noqotay kooxda Qaran labeeysa oo u oo gudubtay wareega labaad ee cayaaraha SEUKI 2008

Cayaar ay shalay iskaga horyimaadeen kooxha Streatham iyo Göteborg iyo Qaran iyo Ilamos ayaa ka dhacay garoonka weyn ee Spånga IP iyadoo shalayna uu garoonka u camirnaa si aan caadi aheeyn waloow ay jireen cayaaro kale oo ka furmayey garoonka Rinkeby ayaad hadana waxaaad moodeeysay in aysan magaalada Stockholm wax cayaar ah oo kale aysan ka jirin markaad eegto dadweynaha iskugu soo baxay cayaarahan shalay.

Kooxda Streatham ayaa shalay cayaar ay aad ugu gacansareeyeen waxeey 4-0 kaga badiyeen kooxdii ka soctay magaalada Göteborg oo uu shalay ka maqnaa cayaarahan Macoow oo cayaartii furitaanka aad  uga dhexmuuqday.

Kooxda Streatham ayaa waxeey shalay soo bandhigtay cayaar ay dadku jecleestaan iyadoo kxduna ay shalay u muuqdeen ineey la qabsadeen garoonka oo aysan wax press ah saarneeyn.

Cayaartii labaad ee shalay ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Ilamos iyo Qaran oo iyaguna shalay soo bandhigay cayaar aad loogu raaxeesto oo waliba u badneeyd mid adag oo dadku uu xiiseeynayey.

Kooxahan Ilamos iyo Qaran ayaa waxaa u cayaara cayaartooy aad u farsama sareeya iyadoo aad cayaartoodana moodeeysay ineey aheeyd mid ay laba koox oo aad loo spoo abaabulay wada cayaarayeen.

Kooxda Ilamos oo hore mar looga soo badiyey marna soo badisay ayaa shalay waxeey garoonka la timid niyad ah badis taasoo ay kooxdii ka soo horjeeday ee Qaran ay ku maquuniyeen 4 iyo 1


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com