|
|
|
Kooxaha Ilamos iyo Xiddigaha
Rågsved oo min lix dhibood heeysta ka
dib markii ay maanta ka kala badiyeen
Sonpet iyo Sokoa |
|
|
|
Iyadoo lagu guda jiro cayaarihii
maalmahanba ka socday garoonka weyn ee Spånga Ip ayaa waxaa maanta
is arkay kooxaha kala ah Ilamos iyo Sonpet (Fin) iyo waliba
Xiddigaha Rågsved iyo Sokoa.

Cayaarrtii hore oo ay wada
cayaarayeen kooxaha Ilamos iyo Sonpet ayaa waxeey ku bilaabatay
cayaar aad u degan oo isku dheelitiran labada kooxoodna waxeey soo
bandhigeen cayaar wanaag waliba marmarka qaar ayeey kooxda Sonpet
waxeey isla helayeen jaanta iyagoo qeybtii hore ee cayaarta u
muuqday ineey ka cayaar qurxanaayeen kooxda Ilamos.

Cayaartan ayaa waxeey natiijadeedii
noqotay 5-0 ay Ilamos markii danbe ugu awood sheegatay kooxda Sonpet
oo iyadu laba guuldaroo heeysata goolal badana laga dhaliyey.

Cayaartii labaad ayaa waxaa fooda
is daray kooxda Xiddigaha Rågsved oo iyaduna hore badis u wadatay
iyo kooxda Sokoa oo iyadana hore looga soo guuleeystay , cayaartan
ayaa waxeey aheeyd cayaar miisaaman oo aysan labada koox wax awooda
oo dheeri ah aysan u dhaxeeyn iyadoo kooxda xiddigaha ay gool ku
hormartay daqiiqadihii ugu horeeyey ee cayaarta ayeey kooxda Sokoa
waxeey isla markiiba iska soo guday goolkii , balse kooxda xiddigaha
Rågsved ayaa laba gool oo kale dusha u saaray kooxda Sokoa.

Gabagabdii cayaarta ayaa waxaa ay
ku dhamaatay 3-1 ay kooxda xiddigaha Rågsved ku sabarsiisay kooxda
Sokoa.

Kooxaha Ilamos iyo xiddigaha
Rågsved ayaa waxeey haatan heeystaan min lix dhibcood iyagoo u
muuqada kuwa gruopkan A kasoo bixi doona balse waxaa aan xisaabta
laga saari karin in kubaddu ay cadaan iyo madoow tahay.

Garoonka Spånga IP oo maalin walba
ay dadweynuhu soo buux dhaafiyaan ayaa waxaa maanta marti ku ahaa
odayaasha Sportiga Soomaliya magaca ku lahaa kuwaas oo uu ka mid
yahay Nuur Xuseen ( Nuur Jeenyo ) , Macallin Giftin , Shiine Guhaad
, Axmed Saalax Diinaash , Axmed Baliile ( Abaliisha ) .

Dhanka fanka waxaa garoonka u hagar
baxayey Qaalid Cadaani Super Khalid oo ah fanaan aad looga jecel
yahay dalkan Sweden iyo wadamada dariska la ahba.






- Cabdi Cumar
Afrax
- Stockholm
|