18-07-2008 11:12:16 Ceelbuurnet.com
Kooxda London Star oo la kulantay guul daro cayaartii ugu horeeysay tartanka SEUKI 2008 iyadoo ay ka maqnaayeen cayaartooy uu ka mid ahaa golhayihii kooxda

 

Shalay oo bishu aheeyd 17 July aya waxaa garoonka weyn ee Spånga IP ka dhacay laba cayaar oo ka tirsaneeyd cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 kuwaas oo ay isku arkeen kooxaha Sonpet oo ka soctay Finland iyo kooxada Oslo Star oo ka soctay dalka Norway halka ay cayaartii labaadna wada cayaareen kooxda Sokoa oo iyaduna ka soctay magaalada Bergan ee dalka Norway iyo kooxda London Star oo iyaduna ka soctay dala UK.

Cayartii hore oo ay wada cayaareen Sonpet iyo Oslo Star ayaa waxeey aheeyd cayaar ay dadkii daawanayey jecleesteen iyadoo ay labada kooxba soo bandhigeen cayaaro xiiso leh .

Cayaartan ayaa waxeey kooxda Oslo Star kooxdii Sonet uga badisay 2-1.

Cayaartii labaad ee la wada sugayey shalay dadkuna ay ku balansanaayeen ayaa waxaa wada cayaaray kooxda Sokoa iyo kooxda London Star oo isl habeen hore ka soo duushay magaalada Torronto si ay u soo gaaraan cayaartooda koowaad ee tartankan xagaaga SEUKI 2008.

Kooxda London Star ayaa waxaa ay maamulkooda noo sheegeen in cayaartooy muhiim u ah kooxda ay cayaartii shalay ka maqnaayeen oo ay maanta soo gali doonaan waxaana kooxda shalay ka maqnaa oo aad loo tabay goolhayihii koxda oo sanadkii hore ku guuleeystay gool hayaha ugu fiican ee tartankii xagaaga SEUKI 2007.

Cayaartan shalay ayaa waxaa London Star looga naxsaday laba gool oo is daba joog ah iyadoo balse ay dib isku abaabuleen oo ay labadii gool iska soo gudeen balse daqiiqadii ugu danbeeysay ayeey kooxda London Star iska dhaliyeen goolkii ay guusha ku raacaday kooxda  Sokoa oo ka socta dalka Norway oo haatan heeysata 6  dhibcood sanadkana wax badan isaka soo badalay lana soo shir tagay cayaar ay dadku jecleeysteen.

 

Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa wada cayaari doona kooxaha Midnimo oo ka socta magaalada Göteborg ee dalka Sweden iyo Streatham oo ka socta dalka UK halka ay cayaarta danbe oo ah cayaar la wada sugayana ay cayaari doonaan kooxda Qaran oo ka dhisan xaafada Rinkeby iyo kooxda Ilamos oo ka socta wuqooyiga London.

Cayaartan ayaa waxaa ay kooxda Ilamos ku qasban tahay ineey guul helaan maadama hal cayaar hore looga badiyey balse kooxda Qaran ayaa iyadu waxeey heeystaa 6 dhibcood oo waxeey haatanba u soo gudbeen wareega labaad ee cayaarahan xagaaga SEUKI 2008.


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com