18-07-2007 08:28:49 Ceelbuurnet.com
 
 Cayaarihii ka socday garoonka weyn ee Spånga IP oo si farxad leh ku socda iyadoo shalayna ay badiyeen kooxaha Denmark iyo Halgan

Cayaarihii ka socday garoonka weyn ee Spånga IP ee SEUKI 2007 ayaa waxeey marayaan maalintoodii afaraad iyadoo kooxaha badankoodna ay ciyaarayaan cayaartoodii labaad.

Cayaarahan oo maalin walba ay u soo daawasho tagaan kumanaan qof ayaa waxaad dadka wajiyadooda ka dheehan kartaa farxad maadama ay isku arkaan dad aan muddo is arag kuwo cusubna isku bartaan.

Shalay ayaa waxaa cayaaro adag ay ka dhaceen garoonka Spånga IP iyadoo ay wada cayaareen kooxda Halgan iyo kooxda Midnimo cayaartan oo ay kooxda halgan ku dhalisay goolkii ugu dhaqsaha badnaa intii uu socday tartankan iyadoo uu cayaaryahanka u sita Nr 17 aad u saxiixay kooxda markii ay cayaartu soctay 20 Sec.

 

Cayaartan oo aad u qurxaneeyd ayeey waxeey kooxda Halgan 2-1 ku dirtay kooxda Midnimo (Göteborg).

Cayaartii labaad oo ay dadku wada sugayeen maadama ay kooxda Olympic (Denmark) cayaarayeen cayaartoodi koowaad ayaa waxeey aheeyd cayaar aad u adag dad badana ay ku tilmaameen in ay aheeyd cayaartii ugu fiicneeyd ilaa iyo hadda intii uu tartankan socday.

Kooxda Denmark ayaa u muuqata koox aad u adag runtiina wadata cayaartooy aan caadi aheeyn marka la fiiriyo xirfadooda iyo waliba sida ay u diyaarsan yihiin  waxaana kooxda ka muuqda kalsooni fara badan cayaartooyda ay dadku isha gaarka ah ku hayeena waxaa ka mid ah cayaaryahanka sitay Nr 7 iyo Nr 9.

Kooxda Streatham ayaa iyaduna waxeey shalay soo bandhigtay cayaar wanaag inkastoo cayaartan labaad ee shalay dhacday uu da,ayey roob xoog leh hadana waxaa dadka daawanayey garoonka ku hayey quruxda cayaartan dhexmareeysay Denmark iyo Streatham waxaana cayaartan 4-2 ku badiyey kooxda Olympic Amp oo ka soctay Denmark.

Madadaalada garoonka shalay ayaa waxaa daadihinayey al fanaan Super Khalid iyo fanaanka Rinkeby Cabdi Fataax.

 

Maadaama uu jiro qorshe ay wadaan odayaasha Sportiga iyo guddiyada labada tartan cayaareed ee ka dhaca Stockholm si loo helo hal tartan cayaareed tayo iyo sharafba leh Stockholmna  u soo celiya magacii ahaa hooyadii Sportiga Yurub ayaa waxaa sanadkan wada shaqeyn ka dhaxeeysaa labadii guddi ee awalba saaxiibada ahaa balse fikradda ku kala duwanaa iyagoo isfahamkoodana ka bilaabay in labada garoon ay  wada shaqeeyaan , waxaa iyadana xusid mudan in cayaaro kale ay ka furmi doonaan garoonka Stads Hagen maalinta 20 July halkaasoo ay isku arki doonaan 12 kooxood oo ka kala socda dalalkan Yurub tartankan oo la magac baxay asbuuca dhaqanka iyo cayaaraha Stockholm.  

 

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com