17-01-2007 10:15:15 Ceelbuurnet.com
Kooxda Oslo Norway oo la soo shir tagtay cayaar ay dadku jecleeysteen iyo waliba cayaartooy aan laga hortagi karin

Kooxda ku cayaareysay magaca Oslo Norway balse sanadadii hore ku cayaari jirtay magaca Oslo Star ayaa sanadkan la soo shirtagtay koox aan xisbaabta koob qaadashada laga saari karin.

Kooxda ayaa waxaa cayaartooyda ugu cad cad ka mid ah kabtanka xulka qaranka Soomaliya Ciise Midnimo oo ah cayaaryahan u safta naadi heera koowaad ah oo ka dhisan dalka Norway waxaa sidoo kale u cayaarayey kooxdan maanta cayaaryahanka nr 10 sita ee lagu magacaabo Faysal oo runtii soo bandhigay cayaar lala dhaco, sidoo kale kooxdan ayaa waxaa u cayaarayey cayaaryahan ajanabi ah oo isna ku cayaarayey kalsooni aad u sareeysa isagoo isku xirayey kubadda min hore ilaa gadaal.

Kooxdan ayaa maanta waxeey la cayaari laheeyd kooxda Halgan oo iyadu ka soo qeyb gali weysay tartankan ka dib markii ay sheegeeten in ay diyuurad ay ku qornaayeen ka soo tagtay sidaasi ka dib ayeey guddiga qabanqaabadu waxeey booskeeda ku buuxiyeen koox ka dhisan xaafadda Husby ee magaalada Stockholm iyadoo uu macalin u ahaa Saciid Dheere iyadoo ay kooxduna ku soo diyaar garoowday in ka yar 4 saac kuwaasoo runtii muujiyey cayaar aad u sareeysa balse waxaa ay u babac dhigi waayeen kooxda sanadkan isis soo abaaushay runtiina raba ineey koobka magaalada Oslo geeyaan.

Sanadkan ayaad waxaad moodaa ineey kooxuhu isi soo adkeeyeen iyadoo ay koox walba ka carareeyso ineey noqoto labada koox oo ugu hooseeyaa kuwaasoo noqon doona labada koox oo sandka xiga ka maqnaan doona cayaaraha SEUKI 2010 hadii allaha awooda lahi na gaarsiiyo.

Cayaartan ayaa waxeey ku dhamaatay 2-0 ay ku badisay kooxda Oslo Norway.

Dhanka madadaalada ayaa waxaa maanta garoonka ku sugnaa alfanaan Jeri iyo Cabdi fatax (Legand) iyo Dj Wuqooyi.

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com