Ceelbuurnet.com
Ururweynaha SEUKI iyo xubno ka tirsan guddiga olympikada Soomaliya oo si wada jir ah u soodhaweeyey Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti Mudane Xuseen Fadul iyo xoghayahiisa Cali Kaamil

Ururweynaha SEUKI oo ay wehliyaan xoghayaha Gos iyo guddmoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta ayaa shalay waxeey si diiran madaarka magaalada Stockholm ugu soo dhaweeyeen guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabauuti isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka ururka Cecafa Mudane Xuseen Fadul Dabar iyo xoghayahiisa Cali Kaamil Cali .

Xubanaha uu ururka SEUKI ka koobnaa ayaa waxeey ahaayeen guddoomiyaha ururka Sheekh Mukhtaar Shuute , Cabdi Cadde iyo Axmed Diinaash iyadoo uu wehliyey Maxamed Idan halka ay la socdeen guddoomiye ku xigeenka kubadda cagta Soomaliya Mudane Axmed Nuur Xasan Cabdulle iyo xoghayaha guddiga Olympikada Soomaliya mudane Cabdulaahi Taranbi.

Wafdigan ka yimid Jabuuti ee soo gaaray magaaladan Stockholm ayaa waxaa hore casuumaad ugu diray ururweynaha SEUKI oo ah ururka kaliya ee qabanqaabiya cayaaraha ugu adag uguna daawashada badan Yurub.

Wafdigan ayaa waxeey joogi doonaan inta ay ka dhamaanayaan cayaarahan iyadoo uu ururkuna dejiyey Hotel Ibbis oo ku yaal magaaladan Stockholm.

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com