|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 oo
shalay si aan hore loo arag
magaalada Stockholm uga furmay |
|
|
|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 oo
sanadkan lagu ballansanaa ineey biloowdaan 17 bishan July ayaa
shalay si aan caadi aheeyn uga furmay garoonka weyn ee Spånga IP oo
ku yaal magaalada Stockholm.

Cayaarahan oo sanadkan xiiso gaar
ah leh maadama ay magaalada Stockholm ka dhaceeyso hal cayaar ka dib
markii ay guddiyadii kala qaban jiray cayaaraha isku tanaasuleen
isla markaana camireen hal garoon iyadoo reer Stockholm iyo waliba
martida iyo cayaartoyduba aad ugu farxeen in ay cayaaruhu ka
dhacayaan meel qura taasoo ay ka soo shaqeeyeen odayaal Sport oo uu
ugu horeeyo Bashiir Cilmi Maxamed ( Bashiir Jeenyo ).

Cayaarahan ayaa shalay waxaa ka soo
qeyb galay wafdi ka socda xiriirka kubadda cagta Jabuuti oo ay
guddiga qabanqaabada SEUKI ku casuumeen ineey ka soo qeyb galaan
cayaarahan kuwaasoo ka koobnaa Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta
Jabuuti isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka Cecafa mudane Xuseen
Fadul Dabar iyo xoghayaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti mudane Cali
Kaamil Cali iyadoo sidoo kale cayaarahan uu ka soo qeybgalay
guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta mudane
Axmed Nuur Xasan Cabdulle oo isna sidoo kale marti u ah ururka SEUKI
sidoo kale waxaa wafdiga cayaarahan lagu casuumay ka mid ahaa
Gudoomiyaha ururka EuroSom mudane Maxamed Diini , waxaa kaloo joogay
xoghayaha guddiga olympikada Soomaliya Mudane Cabdulahi
Taranbi , Xubin Guddiga Olympikada Soomaliya Maxamed Muuse Jabroos ,
Odayaal Sport oo kala ah Axmed Nuur (Seyga) , Bashiir Cilmi
Maxamed (Bashiir Jeenyo) , Axmed Saalax (Diinaash) ,Abukar Cabdulle ( Dhabareey) Cabdiqani
Caalin , Xamdi Sheekh ,Cabdulaahi Shaacir,Cabdulqadir Buuxe (Qalaafe),
Gacal Jiroow, Cilmi Waabari ,Ganeey, Aabaliisha ,Bile Cali , Seef
,Mustafa Gabdhoow Cabdulaahi Maalin Shaaciye , Cagaweyne , Jacfar
iyo marti fara badan waxaa kaloo halkaa joogay masuuliyiin ka socda
xisbiyo iyo ururo sida Guddomiyaha ururka Xaawo Taako Marwo Sahra
Barqadle ,Kerstin Gustavsson oo ka soctay degmada , waxaa kaloo
halkaa ku sugnaa fanaaniin waaweyn oo ay ugu weeyneeyd Luul
Jeeylaani oo halkaa hees aad u mac ka qaaday.

Waxaa ugu horeeyn hadalkii furay
Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI Sheekh Mukhtaar Shuute Shariif
isagoo halkaana ka ku soo dhaweeyey wafdiyada kala duwan ee ka soo
qeyb galay cayaarahan isagoo sidoo kalena xusay saxiibadii kale ee
cayaaraha qaban jiray uguna hambaleeyey sida xilkasnimada leh ee ay
u tanaasuleen iyadoo ay halkaana ka hadleen Guddomiyaha xiriirka
kubadda cagta Jabuuti Guddoomiye Xuseen Fadul iyo gudoomiye ku
xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaliya mudane Axmed Nuur ,
guuddomiyaha EuroSom Maxamed Diini sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay
Cabdi qani Caalin , Bashiir Jeenyo , Seyga Ruushka ,Kerstin
Gustavsson, Jonny Lind oo ah taliayaha Poliska degmada Järva iyo
Guddoomiyaha ururka Xaawo taako Sahra Barqadle oo halkaa ka jeedisay
hadal qiimo leh iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in qabanqaabada
cayaarahan ay ka qeyb qaataan dumarka Soomaliyeed waloow ay jiraan
gabdho badan oo wax bartay isla markaana qaban kara hawshan sidoo
kale Sahra
waxeey codsatay in sanadka danbe la arko gabar guddoomiye ka ah
ururkan iyadoo sidoo kale balan qaaday ineey sida uu poliskuba
ballan qaaday ineey hadiyad aan hadda la shaacin gudoonsiin doonto
kooxda aadaabta ku guuleeysata .

Waxaa sidoo kale halkaa lagu soo
bandhigay bandhig faneed iyadoo ay halkaana dadka maaweelineeysay
fanaanadii weeyneey Luul Jeeylaani , Cabdi Fataax Legend , iyo Mr
Jeeri iyadoo uu DJ u ahaa DJ Xasan Wuqooyi., waxaa sidoo kale halkaa
wacyi ka soo jeediye culumo badan oo uu ugu horeeyo Sheekh Xuseen
Faarax .


Cayaartii shalay ayaa waxaa wada
cayaaray kooxaha Holland iyo kooxda Rinkeby Star iyadoo ay
cayaartana aheeyd mid aad u adag dadkuna jecleeystay ayaa waxaa ay 1
- 0 guushu ku raacaday kooxdii ku cayaareeysay magaca Holland.

Dhanka saxaafadda ayaa waxaa halkaa
shalay ku sugnaa wariyayaal ka kala socday TV yada lokalka ah iyo
websiteyada sida TV Horseed , Waryaa TV , Soomaliweyn , Soomalida
Maanta , iyo kuwo kale oo aan halkan ku soo koobi karin.

Waxaa xusid mudan in kooxaha qaar
ay soo xirteen funaanado ay dadku ku xasuusanayeen allaha u
naxariistee Axmed Ibraahim ( Romiario) oo ka mid ahaa cayaartooyda
kooxda xiddigaha Rågsved oo sandkii tagay lagu dilay magaaladan
Stockholm iyadoo ay koxahaasina wataan funaanado uu magaciisa ku
qornaa.

Isku soo wada duubo cayaarihii
SEUKI 2009 ayaa shalay waxeey u furmeen si aan haba yaraatee caadi
aheeyn.
























- News Editor
-
Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|