|
|
|
Xulka kubadda cagta qaranka Soomaliya oo
ay Jabuuti 1-0 ku sagootisay ( Guuldaro
caado u noqotay xulka Soomalida ) |
|
|
|
Xulka kubadda cagta Soomaliya ayaa waxeey maanta cayaar ku
aadaneeyd isreereebka cayaaraha aduunka la yeelatay xulka qaranka
Jabuuti cayaartaas oo xulka Soomaliyeed lagu sagootiyey 1-0.

Xulka qaranka Soomaliya ayaa marka la fiiryo liiska fifa ka horeeya
xulka Jabuuti waxeeyn dad fara badani sugayeen in xulka Soomaliya uu
si fufud uga badin doono xulka Jabuuti xitaa hadii uu badis waayo
inuusan barbardhac weyneyn balse taasi ma noqon oo xulka Somaliya
waxeey qaadeen wadadii ay awalba qaadi jireen ee aheeyd ineey helaan
guuldaro.

Sidoo kale ayaa kol hore tartanka Al-Amudi ee ka dhacaya dalka
Itoobiya ayaa xulka Soomaliya looga badiyey goolal aan dadku
maleeysan karin waloow xulkeena Soomaliya ay ka yimaadeen dal uu
dagaal iyo foowdo ka jirto haddana waxaa la sugayey ineey mar uun
guul gaaraan.
Sanadkan ayuu guddomiyaha cusub ee xiriirka kubadda cagta Saciid
Mugaabe ogolaaday in cayaartooy xoojisa xulka qaranka laga soo qaato
dhalinyarada qurbojoogta ah oo iyagu heeysta fursado badan oo
ay ka mid yihiin garoomo ay tabar ku sameeyaan , kooxo mararka qaar
ay tabar la sameeyaan , daawo iyo wax kastoo looga baahan yahay inuu
heeysto qof cayartooy ah.
Maadaama guuldarada xulka qaranka Soomaliya uu iska noqday mid caadi
ah ayaa waxaa hadda la soo gaaray xilligii xulka qaranka soomaliya
lagu tijaabin lahaa dhalinyarada qurbaha ku nool oo iyagu wax
badan ka chance badan dhalinyarada uu madfaca iyo huubiyuhu dushooda
ka dhacayo.

Dalka Senigal ayaa hore waxeey guul ku gaareen cayaartooyda wadamada
Yururb ku nool oo asal ahaan ka soo jeeday Senigal waloow ay
ciyaartooydaasi u cayaarayeen kooxo waaweeyn oo dalalka Yurub ka
dhisan.
Waxaan hubaa hadii xulka Soomaliya laga xulo cayaartooyda dibadda ku
nool oo qaarkood si aad ah u muuqda sida C/salaan Cadaay oo kooxda
Manchester ay gadatay , Ciise Dheere oo hadda koox Norway ah ay
heshiis la gashay , Cabdi Walaalo oo hadda heshiis la gali
raba koox weyn oo ka dhisan dalkan Sweden , Romario , Cabdisalaan ,
Deenish , oo ka dhexmuuqada cayaartooyda qurbajoogta soomalida
iyo inan kooxda Denmark u qaata nr 6 aad oo hadda u safta xulka
dhalinyarada ah ee Norway , Daaud oo isna u safta dhalinyarada
Juvantus , iyo cayaartooy fara badan oo ka cayaara cayaaraha xagaaga
Soomalida oo laga heli karo cayaartooy tayo leh isla markaana loo
dhiibo macalin ciyaalka qurbaha fahmi kara sida macallin Daahir
Gacameey oo sanadkii hore qaatay macalinka ugu wanaagsan Yurub iyo
North Amerika.
Fikraddan xulka qaranka ayaa waxaa sanadkii hore laga bilaabay
Stockholm iyo ururka Seuki iyadoo sidoo kale cayaartooy xul ahna oo
uu waday macallin Daahir ay ka qeyb galeen tartanka Inter City ee ka
dhaca London halkaas oo ay kooxda ku ciyaareeysay magaca Soomalida
guul wanaagsan ka gaareen.
Maqaalkan ayaan waxaan ku soo xirayaa maadama xilligan la joogo
xilligii la tijaabin lahaa cayaartooyda qurbaha chance iyaga ha la
siiyo.
-
Cabdi
Cumar Afrah
-
Stockholm
|