17-05-2008 14:16:36 Ceelbuurnet.com
 
Maamulka ururweynaha SEUKI oo codsiyo ka yimid guddiyada SEUKi International ka dib ogolaaday in kooxda Oslo Star ay ka qeyb qaadato tartanka cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 ka dhici doona garoonka weyn ee Spanga IP

Kulan deg deg ah oo uu shalay qaatay maamulka ururweynaha SEUKI ayaa wuxuu mar kale isla soo qaaday in dib loo fiiriyo ganaaxii saarnaa kooxda Oslo Star oo ka socta dalka Norway oo iyadu aan ka soo qeyb galin qorituurkii ka dhacay magaalada London iyadoo kooxduna ay sheegatay cudurdaar ay ku qanceen guddiyada SEUKi International.

Maamulka SEUKI oo hore u gaaray go,aan ah in aysan kooxuhu ka badnaan 12 koox ayaa wuxuu haatan qadariyey codsi ay maalmahanba soo gudbinayeen guddiyada kooxaha SEUKI International taasoo uu maamulka SEUKI ku ogolaaday in ay cayaarhu sanadkan noqdaan 13  koox .

Kooxaha tartanka SEUKI 2008 ka qeybgali doona ayaa waxeey kala yihiin 13 koox iyadoo ay jiraan 3 group oo min 4 koox ah ayaa waxeey guddiga  farsamadu sameyn doonaan qorituur u gaar ah kooxda Oslo Star oo hore loogu magacaabi jiray Sosyd iyadoo ay kooxdan shan ku noqon doonto group ka mid ah seddexdaa group .

Guddiga farsamada cayaaraha xagaaga SEUKI ayaa dhawaan soo dhameeystiri doona jadwalka cayaaraha xagaaga ugu adag Yururb ee SEUKI 2008 oo ka dhici doona garooonka weyn ee Spanga IP ee magaalada Stockholm.


 
Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com