|
Kooxda Rågsved oo hubsatay booskeeda
Quarterfinelka ka dib markii ay 2-0 ku
sabarsiisay kooxda Irland halka ay
Olympic Denmarkna 4-2 kaga badisay
Leicester |
|
|
|
Cayaaro ka tirsan cayaarihii
maalmahanba ka socday garoonka weyn ee Sånga IP ayaa waxaa shalay
fooda is daray kooxaha Olymic Denmark iyo Leicester iyo waliba
kooxaha Xiddigaha Rågsved oo la cayaartay kooxda Irland kooxahan oo
ka wada tirsanaa group A.

Cayaartii hore oo ay isku arkeen
kooxaha Denmark iyo Leicester ayaa waxeey aheeyd cayaar ay labada
kooxoodba muujiyeen cayaar wanaag iyadoo goolka ay la hormartay
kooxda Leicester oo runtii wacdaro sanadkan oo ay ku cusub yihiin
cayaarahan ka muujiyey garoonka Spånga IP iyagoo runtii wata
cayaartooy tayo leh.

Cayaartan oo aheeyd mid aad u kulu
ayaa waxeey gabgabadeedi ku dhamaatay 4-2 ay kooxda Olymic
Denmark uga badiyeen kooxdii ka soctay magaalada Leicester.

Cayaartii labaad oo ay wada
cayaareen kooxda Xiddigaha Rågsved iyo kooxda Irland ayaa waxeey
aheeyd cayaar aad u qurux badan oo dadweynihii daawanayey ay ku
raaxeeysteen iyadoo kooxda Irland ay untii sandkan la yimaadeen
cayaartooy tayo leh oo aad u cayaar wanaagsan.

Kooxda Xiddigaha Rågsved ayaa waxaa
cayaartan u cayaarayey cayaartooy ka maqneeyd cayaartii koowaad ayna
ka mid yihiin Romario oo ka tirsan kooxdan balse ku maqnaa Dalka
Jabuuti oo uu haatan xulkooda ka tirsan yahay iyo Cabdi Walaalo oo
isagana ah gool dhaliyaha kooxda Xiddigaha Rågsved , waxaa kaloo
shalay garoonka lagu arkay cayaaryahan Saalim oo kooxda ka tirsanaa
intii ay soo jirtay oo dhan mudooyinkana ku maqnaa cariga
Mareeykanka.

Cayaartan ayaa waxeey ku dhamaatay
2-0 ay kooxda Xiddigaha Rågsved diyuuradda ku saartay kooxda Irland.

Kooxda Xiddigaha Rågsved ayaa
waxeey haatan u soo gudubtay wareegga labaad ee cayaarahan xagaaga
SEUKI 2008.

Maanta ayaa waxaa dhici doona
cayaaro xiiso leh iyadoo ay wada cayaari doonaan kooxaha Sonpet oo
ka socta dalka Finland iyo Oslo Star cayaarta labaadna waxaa
wada cayaari doona kooxaha Sokoa oo ka socta magaalada Bergan ee
dalka Norway iyo kooxda London Star oo xalay ka soo degtay groonka
diyuurada ee Arlanda kana soo duulay magaalada Toronto oo ay
ku soo cayaareen cayaartii Finelka ee Cayaaraha lagu qabto Canada.



Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|