|
|
|
Shir iyo casho sharafeed loogu gogol
xaarayey gorituurka uu ururka SEUKI ku
yeelan doono magaalada London oo xalay
ka dhacay Restraung the Village oo ku
taal xaafadda Fulham /London |
|
|
|
Shir iyo casho sharafeed loogu
gogol xaarayey shirsanadeedka uu yeelanayo ururka SEUKI taasoo lagu
sameeyn doono qorituurka cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 ayaa wuxuu
xalay ka dhacay Restorontiga lagu magacaabo The Village oo ku taal
xaafadda Fulham ee magaalada London.

Shirkan oo ay u dhamaayeen soona
qabanqaabiyeen kooxaha martida loo noqon doono xilliga qorituurka oo
dhici doona 18 April iyo waliba xubno ka tirsan SEUKI London
ayaa waxaa looga hadlayey qaabka loo maareyn doono shirweynaha
ururka iyadoo xubnaha SEUKI / London ay ku ballameen in ay si
wanaagsan u marti galiyaan dhamaan madaxda kooxaha kale ee ka kala
imanaya wadamada Yururb iyo waliba xubnaha guddiga SEUKI.

Shirsanadeedkan ayaa hore waxaa
loogu qaban jiray magaalada Stockholm balse ka dib markii uu ururku
u arkay in ay wanaagsan tahay in maamulida qorituurka la wareejiyo
oo hadba wadankii ka bixi kara lagu sharfo ayaa waxaa sanadkan
qaatay UK oo ay ka imaanayaan 3 kooxood oo kala ah London Stars ,Ilamos
iyo Streatham.

Shirkan xalay oo ay wada qaateen
Guddoomiyaha iyo Gudd.farsamada SEUKI iyo dhamaan xubnaha SEUKI /
London martina uu ku ahaa macalinka xulka Qaranka Soomaliya Macallin
Dahir Boodaaye ayaa waxaa halkaa lagu kala qaatay warbixino muhiim
ah oo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa cayaaraha xagaaga SEUKI
iyo sidii wada shaqeeyn wanaagsan loola yeelan lahaa ururka Sportiga
ee EuroSom oo dhawaan heshiis wada shaqeyn ah ay dhexmartay ururka
SEUKI.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa
dadka hoos ku qoran.

Maxamed Khaliif , Maxamed Cali
Weerow , Bile Cali , Cabdirizaak Seef iyo Shukri oo ka socday SEUKI/London
.

Axmed Bile iyo Macallin Zakariya oo
ka socday kooxda Ilamos

Daahir Gacameey iyo Xasan Dhuudhi
oo ka socday kooxda London Star

Xarbi iyo Dalmar oo ka socday
kooxda Streatham

Daahir Boodaaaye oo ah macallinka
xulka qaranka Soomaliya oo ahaa marti ka yimid Canada

Gudd. Afrax iyo Gudd.farsamada
Shuute Shariif oo ka socday SEUKI / SWEDEN.

Shirkan ayaa wuxuu ku dhamaaday
jawi wanaagsan iyadoo xubnaha Londona ay dhigteen ballan si ay u
qeybsadaan hoowsha baaxadda leh ee qabanqaabinta qorituurka insha
allah 18 April ka dhici doona magaalada London.






Mohamed
Sheikh Nuur
shikha114q@hotmail.com
|