|
|
|
Garsoore Saciid Ali oo ah garsoore
Soomali ah oo shalay ay koox Asyrian
dhawaacyo culus gaarsiiyeen Cayaar uu
garsoorayey oo ay la cayaarayeen koox
Swedhish ah oo lagu magacaabo
Tornparkens FK |
|
|
|
Garsoore Soomali ah oo qabta
cayaaraha Division 7 ka dalkan Sweden ayaa shalay mar uu
dhexdhexaadinayey cayaar ka tirsan isaragga cayaarahan waxaa
dhaawacyo culus gaarsiiyey kooxda Svenska-Syrianska IF cayaartan oo
lagu cayaarayey garoonka Sundbybergs IP.

Islamarkii ay
cayaartii uu garsoore Saciid dhexdhexaadinayey dhamaatay ayaa waxaa
mar qura weerar ku soo qaaday cayaartooydii kooxda Assrianka iyagoo
ku dhawaaqayey kalmado cunsurinimo ku jirto oo ay ka mid
yihiin " Waxaad tahay adoon waligaana waad ahaan doontaa " iyo
kalmado kale oo la mid ah.
Weerarkan lagu qaaday
garsoore Saciid Cali ayaa waxaa uu sababay in Saciid ay gacan ka
jabto isla markaana uu miir beelo maadama ay dhowr mar ku dhaceen
laadad xooggan oo ay dhowr qof ku wada dhufanayeen.
Weerarka lagu qaaday
Saciid ayaa wuxuu biloowday markii mid ka mid ah cayartooyda kooxda
Assyriyanka uu ku qeyliyey Saciid oo uu ku yiri " Adoonyahoow
yeeri siiriga oo noo dhig foul kooxda Swedhiska ahba waad u
dhigeeysaaye" Markii uu Saciid calamadda Casaanka ah siiyey
Cayaarhankaa ayuu maadama xilligii cayaarta ay dhamaatay wuxuu
yeeriyey siirigii isagoo cayaartii dhameeyey ka dib ayaa waxaa
u yimid Goolhayihii kooxda oo Feer ku bilaabay Saciid markii uu
dhacyna waxaa wajiga ka laaday dhowr cayaartooy isagoo ka dib miir
beelay oo soo baraarugay xilli uu joogay Cisbitaalka.
Sida uu Saciid
Sheegay markii la geeyey Cisbitalka S:t Göran oo lagu geeyey
Ambulans ayuu sheegay inuu isku dayayey inuu is difaaco sidaa
aawgeedna ay gacanii ka jabtay isla markaana uu xaalad miyir beel ah
ku dhacay marnana uusan filaneynin in arintan oo kale ay ku dhici
karto.
- Cabdi Cumar
Afrax
- Stockholm
|