16-06-2009 02:57:24 Ceelbuurnet.com
UNHCR oo sheegtay in ay badanayaan xadgudubyada lagula kacayo haweenka Soomaaliyeed.

 

Hay’ada qoxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR ayaa walaac ka muujisey sii badashada iyo xadiga ba’an ee tacadiyada loo geysto haweenka oo ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay UNHCR oo ku sugan magaalada Geneve ayaa sheegay in hay’adu ay si aad ah uga naxsan tahay heerka ba’an ee xadgudubyada kufsigu uugu horeeyo ee loo geysto haweenka ku nool dalka ay sharci daradu dilootay ee Soomaaliya, iyadoo ay ugu sii darsameyso xaaladihii deganaansho la’aan ee dalku horeyba ugu jirey.



Hay’adu waxay sheegtey in dagaaladii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee dhexmarey ciidamada dowlada iyo kooxaha mucaaradka ay sababeen barakac baaxad leh oo ay dadka rayidka kaga cararayaan magaalooyinka waaweyn si ay uga badbaadaan dagaalada, hase ahaatee waxaa sida hay’adu ay sheegeyso soo baxay kooxo qowleysato ah oo bilaabay inay haweenka qasbaan marka ay qaxa yihiin.

UNHCR waxay walaac ka muujisey tirada badan ee dadka Soomaaliyeed ee ka cararaya dalka kuwaa si oo ciolaadaha dartood ka talaabaya xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto dalalka Kenya, Ethiopia iyo Yemen si ay dagaalada uga baxsadaan.
Ugu danbeyntii UNHCR waxa ay walaac xoogan ka muujisay dhitaada shacabkii ka cararay Muqdisho ku heysato daafaha magaalada , Iyadoona ugu baaqday dhinacyada ku loolamaya Soomaaliya in ay dhowraan shacabka maatida e Soomaaliyeed.

 
 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com