|
Abuukar Adan Deeqow ( Boos Caato ) oo loo doortay hogaanka cusub ee ururka SKIF |
|
|
|
Abuukar Adan Deeqow (Boos Caato ) ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee ururka SKIF oo ah ururkii hore u qaban jiray cayaaraha xagaaga Stockholm oo haatan cayaaraha ka tanaasulay .

Ururkan oo intii uusan ka tanaasulin qabashada kubadda cagta Stockholm qorsheeynayey in gudoomiye loo doortay Boss caato ayaa haatan doorashadan waxeey ku aadiyeen xafladda soo dhaweeynta xoghayaha xiriirka soomaliyeed ee kubadda cagta Mudane C/qani Saciid Carab iyadoo halkaana uu Boos
caato xilka kala wareegay guddoomiyihii hore Xamdi sheekh.

Ka dib markii guddoomiye Boss caato la doortay wuxuu qaatay hadalkii isagoo sheegay in inta uu guddoomiyaha yahay arimaha Basketka kala xaajoon doono Xaaji Ereg iyo inuu sidoo kale la sheeqeeyn doono GOS , Diasbarada iyo ururka SEUKI.

Boos Caato wuxuu cadeeyey in aysan shaqadiisu noqon doonin mid xad leh balse uu gacan ka geeysan doono meel kasto oo Sport lagu hayo.

Waxaa Boss caato hambalyo u jeediyey Xoghaye C/qani Carab isagoo u rajeeyey inuu hoowshaas culus ilaah u fududeeyo .

Sidoo kale ururka SEUKI waxeey hambalyo aan la soo koobi karin u jeedinayaan Abuukar Adan Deeqoow ( Boos Caato ) xilkaa uu maanta la wareegay waxeeyna diyaar u yihiin wada shaqeeynta guddoomiye Boss Caato.
Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay guddoomiyaha ururka SSUF Mudane Axmed Xasan oo saaxiibkiis Boss caato u hambalyeeyey wuxuuna Axmed Xasan sidoo kale ku dheeraaday in ay sahlan tahay in Sportiga wax loo qabto mar hadii ay bahda Sportiga Stockholm mideeysan yihiin wuxuuna Xiriirka
Soomaliyeed ku amaanay howsha baaxadda leh ee ay shacabka Soomaliyeed u hayaan.
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|