|
Xoghayaha XSKC Mudane C/qani Saciid Carab oo Stockholm si wada jir ah ay ugu soo dhaweeyeen labadii urur ee ciyaaraha xagaaga qaban jiray iyadoo halkaana ay isku cafiyeen khilaafkii jirayna ka fara xasheen |
|
|
|

Waxaa magaalada Stockholm oo ah hooyada Sportiga Yururb soo gaaray xoghayaha xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta mudane C/qani Saciid Carab isagoo qorshihiisu ahaa sidii uu warbixin la xiriirta howlaha uu xiriirku qabanayo u jeediyey bahweynta cayaaraha Swedan oo markan meel qur ah
iskugu yimid si wada jir ahna u soo dhaweeyey xoghayaha.

Labada urur ee Skif iyo SEUKI oo uu u dhaxeey khilaaf waqti dheer soo jiray ayaa waxaa xiliyadii danbaba xalintiisa u istaagay cayaaryahan hore oo ay soomalidu wada taqaan Bashiir Cilmi Maxamed ( Bashiir Jeenyo ) oo isagu muddaba ku dhexjiray xalinta khilaafka Sport ee ka taagnaa
Swedan isagoo dhexda u xirtay sidii uu horeba dalka England ballan ugu qaaday in ay sanadkan 2009 magaalada Stockholm ka dhici doonto hal ciyaar oo kaliya oo kubadda cagta ah taasoo uu Bashiir guusheeda qaatay iyadoo ay arintana hore u galeen odayaal Sport oo fara badan balse
ku guul dareeytay xalinteeda.

Qabanqaabada Xafladdan soo dhaweeynta Xoghayaha XKSC mudane C/qani Saciid Carab ayaa waxaa sidoo kale lahaa Bashiir Jeenyo isagoo halkaana iskugu keenay labadii urur ee cayaaraha wada qaban jiray markii ugu horeeysay iyadoo halkaana lagu soo wada dhaweeyey xoghayaha laguna wada
casheeyey.

Waxaa isaguna marti sharafti halkaa joogtay ka mid ahaa Xoghayaha Guddiga Olympikada Soomaliya Mudane C/laahi Taranbi , Axmed Nuur ( Seyga Ruushka ) Sabriye Gaabow , Cabdi Faras , Asad Dalmar, Xasan Geelle , iyadoo labada ururna ay ka joogeen Gudd. Xamdi Sheekh , Maxamed Muuse (Jabroos)
Ibraahim Galbeeyte , Abuukar Adan Deeqow ( Boos Caato ) , Yoonis Galbeeyte , Abuukar Cabdulle Dhabareey , Daameey ,Gudd. Sheekh Mukhtaar Shuute , Cabdi Afrax , Xiireey Axmed Rooble ,Wali Maalin Shaaciye , Caydaruus , Faysal Makaraan waxaa isaguna halkaa joogay gudd. urur SSUF
Mudane Axmed Xasan , kuusoow , Shakuur.iyo malkiilaha makhaayadda Tensta träff Mr Gaduudoow.

Mudane C/qani Saciid Carab ayaa wuxuu ka war bixiyey howlaha hor yaal xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta isagoo bahweynta Sportiga qurba joogta kuwooda ku howlan howlaha Sport kula dardaarmay ineey miisaaniyadda ay galiyaan Sportiga qurbaha qeyb ka mid ah ay u jiheeyaan
sportigii dalka oo maanta u baahan taakuleeyn iyo taageero dhinac walba ah wuxuu aad u soo dhaweeyey soo afjarida khilaafkii ka jiray Stockholm taasoo mustaqbalka dan u ah sportiga Soomaliya , sidoo kale C/qani wuxuu ka dhawaajiyey in xiriirku uu bisha October ee nagu soo socta uu
qorsheeynayo qabashada cayaaraha gobolada dalka oo loo qaban doono ilaa 15 gobol iyadoo lagu ciyaari doono Puntland .

Waxaa isna halkaa ka hadlay mudane C/laahi Taranbi oo isna ka war bixiyey howlaha uu qabto GOS isagoo sidoo kale taageeray heshiiska taariikhiga ah ee ay reer Stockholm gaareen.

Waxaa halkaas isna hadalkii qaatay Bashiir Jeenyo oo ka sheekeeyey goortii uu soo bilaabay isku dayga xalinta khilaafkii jiray ilaa iyo maanta oo ay arintu soo afjarmatay wuxuuna rajeeyey in ay howshu halkaa ka sii socto .

Sidoo kale waxaa isna heshiiska taageeray Axmed Nuur Seyga oo isna ka mid ah dadkii hore iskugu dayey xalintiisa wuxuuna labada garab kula dardaaramay ineey howshan sii socto.

Waxaa dhamaan shaqsiyaadki halkaa ka hadlay waraka uga horeeyey labada guddoomiye ee ururka SEUKI iyo Skif Gudd. Sheekh Mukhtaar Shuute iyo Xamdi sheekh iyagoo halkaa isku gacan qaaday ballana ku galay ineey wada shaqeeyn doonaan.

Xafladdan soo dhaweeynta ayaa waxeey ka dhacday Tensta Träff waxeeyna ku soo gabagaboowday jawi farxad iyo ismarxabeeyn leh iyadoo ay labada ururna ay wada shaqeeyntan hore u sii wadi doonaan.














- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|