17-07-2007 03:42:50 Ceelbuurnet.com
 
 Kooxda London Stras oo xashar lama iloowaan ah u dhigtay kooxda Oslo Stars iyadoo kooxda Hollanday sagootisay kooxdii Qaran / Stockholm

 Cayaarihii maalmahanba ka socday garoonka weyn ee Spånga Ip ayaa maalintoodii seddexaad galay iyadoo maantana ay dhaceen laba cayaar oo la dhihi karo waa labadii cayaar ee ugu adkeyd iyadoo kooxda haysata championka Canada ee London stars ay 6 iyo 2 ku quusisay kooxda Oslo Stars oo sanadkan u muuqda ineey wax yar ka liitaan sanadkii hore.

Cayaartan ayaa waxaa gool ku hormaray daqiiqadihii ugu horeeyey kooxda Oslo Stars balse kooxda London stars ayaa waxeey badaleen qaab ciyaaroodkooda iyagoo jaanta isla helay ka dibna cayaarta kala wareegay kooxda Oslo Stars stars.

Cayaartii cayaartan ka horeeysay ayaa waxaa ay dhexmartay kooxda Qaran oo ka dhisan Stoclholm  iyo Holland iyadoo kooxda Qaran ay soo bandhigeen cayaar wanaag haddana waxeey guushu raacday kooxda Holland oo sanadkan aan caadi aheeyn.

Cayaarahan ka dhaca garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxeey yihiin cayaaro ay had iyo jeer soo buux dhaafiyaan dadweyne aad u fara badan oo Somaliyeed.

 

Waxaa intii ay cayaaaha maanta socdeen garoonka madadaalinayey fanaaka weyn ee da,dayar Super Khalid iyadoo ay sidoo kale garab taagnaayeen fanaaniinta kala ah Khadafi oo ah fanaan Soomaliyeed oo ku heesa heesaha Raabka iyo fanaanka khadka dhexe Mr Jelle.

 
Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

 

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com