15-10-2007 16:02:11 Ceelbuurnet.com
 
DALMAR IYO FADHI KU DIRIRKII SPORTIGA- QAYBTII LABAAD

Written by

Abulkadir Ibrahim       

Sunday, 14 October 2007     

 Ilaah ayaa naga badbaadiyey bamkii shalay ka dhacay fadhi ku dirirkii sport ee aan ka qayb
qaatay. Akhristow magaalada Muqdisho aad ayaa loo xiiseeya sportiga qaasatan kubadda cagta. Waxaan aad u jeclaaday fadhi ku dirirkii aan dhagaysigiisii ka qayb galay. Aniga Dalmar ahaan wareegaygu wuu badan yahay, dadka sportiga xiiseeya aad bay ii jecel yihiin. Waxaan dhawr
fariimood ka helay jaalliyado soomaaliyeed oo badan, si aan ula kulmo.

Sababta ay ii casuumayaan waxay iigu yiraahdeen,  waxaanu jeclaanay sheekadaada, waaya aragnimadaada iyo sport jacaylkaaga. Akhristow waxaan aad u xiiseynayey in aan mar labaad ka qayb galo fadhi kudirirkii sport. Maalintii labaad intaan tegin goobtii fadhi ku dirirka, ayaa waxaa
aad loogu buuqsanaa xafiis laygu yiri waxaa lahaa webside-yada sportiga mid ka mid
ah. Waxaan kaloo dadka ka maqlayey jaalliyadaha somaaliyeed ee sportiga qaar ka
mid ah ayaa lacag u soo diray ciyaartoydii hore ee heerka qaran gaaray ee
dhibaatadu hayso. Run ahaantii aad baan ugu farxay waana u duceeyey.

Laakiin waxaan niyadda iska iri Dalmarow kala fogaa qolada dhacday lacagtii magaca
sportiga lagu soo qaaday iyo groupkan taageeraya ciyaartoyda tabaalaysan. Waxaan
kaloo niyadda ka iri ma habaari karnee Ilaahayow soo hanuuni.

Waxaan tegay goobtii fadhi ku dirirka sportiga, waxaa aad looga sheekaynayey
bamkii shalay dhacay iyo ciddii ka dambaysay. Nin ka mid ah goobjoogayaasha meesha
ayaa wuxuu yiri waa la yaqaanaa cidda ka dambaysa, laakiin anaga nama qusayso
haddii aanu bahda sportiga nahay.

Aniga oo is qarinaya, jecelna dooddii shalay in ay halkeedii ka socoto, ayaan
waxaan iri, nimanyahow shalay dooddu meel fiican ayey inoo maraysay, marka aniga
waxaan dhihi lahaa hal su'aal oo ah: yaa hor taagan horumarinta sportiga
somaliyeed?.

GROUPKA KOWAAD: Aniga aan ku hormaro jawaabta, Run ahaantii way iska caddahay
cidda hor taagan horumarinta sportiga oo Amiin Caamir ayaa sawiradiisa ku sheegay.
Waa cidda kubadda mindida ku duleelinaysa. Sportigan waa la yaqaanaa cidda
hantidooda ku qasaariyey, cidda maydadka garoomada ka aruuriyey, ciddii gacmahooda
ku dhisay garoomada lagu ciyaaro.

GROUPKA LABAAD: War niman yahow haddii laga hadlayo horumar sport, qof walba wuxuu
hal hays ka dhigtay anigaa maydadka garoomada ka aruuriyey, war haddaad mayd
aruurisay Ilaaheey ajar iyo xasanaat ha kaa siiyo. Midda xigta sportigan
horumarkiisa waxay ku xiran tahay in loo helo maamul fiican oo tayo leh. In la
helo ciyaartoy badan oo da' walba leh oo laga soo kala xulayo dhammaan gobolada
dalka. Waad la socotaan haddii taariikhda dib loo eego ciyaaertoydii qaranka ku
jiri jiray dhamaatood waxay ka kala yimaaddeen gobolada kala duwan ee dalka ka
kooban yahay. Marka waa in la sameeyaa ciyaaraha gobolada, midka dugsiyada,
degmooyinka iyo jaamacadaha. Marka haddaad hesho tiro badan waxaad helaysaa tayo
badan.

GROUPKA KOWAAD: Allaahu akbar, ciyaartoyda gobolka Banaadir yaa ka tiro badan, yaa
se ka tayo badan. Maanta ma ii sheegi kartaa hal gobol oo tartanka ciyaaraha
soonka isu keeni kara 150 kooxood iyo in ka badan, 5000 ciyaartoy iyo in ka badan.
War ninyahow yaan lagula yaabin, ciyaartoy heer qaran meteli kara ee ka imanaya
gobol ma jiree wax kale ma inoo haysaa.

GROUPKA SEDDEXAAD: War niman yahow shalay iyo maanta labadaba dooddu waan
dhagaysanyey. Labadiina group-ba hadaladiina haddii fiiriyey run baad ku wada
hadlaysaan, haddana meel ayaad isku diiddan tihiin. Midda kale su'aasha meesha
taalla ayaa waxay tahay su'aashii ninkan odaga ah ee uu soo jeediyey ee ahayd YAA
HOR TAAGAN HORUMARINTA SPORTIGA SOOMAALIYEED. Aniga waxaan dhihi lahaa waxaa
hortaagan dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: 1. Aqoon la'aan. 2.In danta guud
laga hormariyo midda gaarka ah. 3. Nin jeclaysi. 4. Qabiil. 5. Waayo aragnimo
la'aan. 6. Xaasidnimo. 7. iyo Annaa iri waryaa.

NIN ODAY AH OO AAN GROUPNA KA TIRSANAYN: Ayaa wuxuu yiri: Dhammaantiin waan idinka
wada weynahay, dooddanna in aan soo dhex gallo ma doonayn, laakiin waxaan u soo
galay hadalkii ninkan dambe uu yiri ee toddobada qodob u kala saaray waxa hor
taagan sportiiga Somaliya. Aqoon la'aan waa iftiin la'aan horaa loo yiri. Waxaan
goob joog ahaa wasaaraddii sportiga ee xilligii dawladdi Siyaad Barre Alle ha u
naxriistee, Jaamadda carabta ayaa warqad marti qaad ah u soo dirtay wasaaradda
shaqada iyo sportiga somaliya oo ahayd tartan ciyaarta kubadda gacanta ahayd, afka
carabigana loo yaqaaano KURATUL YADD. Ninkii warqadda ku soo dhacday ayaa wuxuu
diyaariyey koox kubadda Laliska ama Volley Ball ahayd. Markii waddankii carabta la
tegay ayaa waaggii ku baryey kooxdii somaaliyeed oo wadata koox kubadda laliska
ahayd, haddee ceeb ayaa naga raacday halkaasi. Dadkii waagaas aqoontooda halkaasi
taagnayd ayaa waxay keeneen dad kaloo ka sii aqoon liita, Marka aniga aflagaaddo
ha igu ahaatee arrimahaasi ayaa hor taagan sportiga Soomaaliyeed.


Waxaa diyaariyey
Maaddey Cali
 

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com