|
|
|
Cayaarihii quruxda badnaa ee ka
furmay garoonka weyn ee Spånga IP oo
maalintoodii labaad galay |
|
|
|
Maanta oo aheeyd maalin Axad ah
bishuna ay tahay 15 Juli ayaa waxaa garoonka weyn ee Spånga Ip waxaa
wali ka socday tartankii kubadda cagta ee SEUKI 2007 iyadoo ay
maantana foodda is dareen kooxaha Streatham iyo Halgan cayaartan oo
aheeyd mid aad u adag ayaa waxeey hadana fursad siin weeysay in
labada koox mid ka mid ah ay badiso taasoo micnaheedu yahay in
cayaartan ay ku dhamaatay 1-1.

Waxaa cayaartii labaad ee maanta
dhacday isku arkay garonka kooxaha Midnimo ( Göteborg ) iyo
Swizerland cayaartan oo markii hore ku bilaabatay weerar iyo weerara
celis ayaa waxeey u muuqatay iney aheeyd mid adag halkaaso oo ay
kooxda Göteborg 2-1 kaga badisay kooxdii Swiiserland.

Cayaarta maanta ayaa waxaa ka soo
qeybgalay dadweyne aad u farabadan waxaadna moodaa in reer Stockholm
ay ku ballameen cayaarahan xagaaga 2007.
- Cabdi Cumar Afrax
- Stockholm
|