|
Kooxda Qaran oo u soo gudubtay weeraga
labaad cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 oo
si habsami leh wali uga socda garoonka
weyn ee Spånga IP |
|
|
|
Waxaa maanta oo talaado aheeyd garoonka weyn ee Spånga IP iskaga
hor yimid kooxo ka wada tirsanaa group C kuwaas oo kala ahaa kooxda
Steatham Vs Ilamos iyo Qaran Vs Göteborg.

Cayaartii koowaad oo ay wada cayaareen kooxda Ilamos iyo
Streatham ayaa aheeyd cayaar kulul maadama ay laba kooxoodba hore
aysan wax dhibco ah u heeysan maadama labadaba laga soo badiyey.

Cayaartan ayaa waxaa gool ku hormaray kooxda Streatham balse ka
dib markii ay kooxda Ilamos jaanta isla qaadeen ayaa waxeey
cayaartii ku soo gabagaboowday 5-1 ku dhan oo ay kooxda Ilamos ku
badiyeen.

Cayaartii labaad ayaa waxaa wada yeeshay Kooxda garoonka weyn ee
Spånga ugu taageerada badan ee Qaran iyo Göteborg cayaartan oo
aheeyd cayaar aad u heer sareeysa runtiina ay dad aad u farabadan oo
u badan taageerayaasha Qaran oo soo buux dhaafiyey garoonka.

Cayaartan ayaa waxeey qeeybteedii koowaad ku dhamaatay 1-0
ay ku hogaamineeyso kooxda Qaran.

Qeeybtii danbe ee cayaarta ayeey
kooxda Qaran waxeey dhalisay goolkii labaad iyadoo cayaartiina ku
dhamaatay 2-0 ay kooxda Qaran ku dirtay kooxda Göteborg.

Kooxda Qaran ayaa waxeey haatan
heeystaa 6 dhibcood iyadoo u soo gudubtay wareega labaad ee
cayaarahan balse kooxda Ilamos oo iyadana shalay badisay balse
guuldaro la kulantay cayaarteedi koowaad ayaa cayaarta ay kooxda
Qaran la yeelan doonto maalinta Jimcaha ah waxeey noqon doontaan mid
ay Ilamos ku qasaban tahay ineey badiso si ay waeega labaad ee
tartankan ugu soo gudubto.











Maxmed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|