15-07-2008 08:42:09 Ceelbuurnet.com
Cayarihii shalay ka dhacay garoonka weyn ee Spånga IP oo ay kooxda Sokoa ka badisay kooxdii Sonpet halka ay Oslo Star iyo Holland ay barbardhac isla dhaafi waayeen

Shalay ayaa waxaa garoonka weyn ee Spånga IP ka dhacay cayaaro ka tirsanaa tartanka xagaaga SEUKI 2008 iyadoo ay shalayna wada cayaareen kooxaha ka wada tirsan Group B oo ay ka midka yihiin kooxda Sokoa oo ka soctay magaalada Bergan ee dalka Norway iyo kooxda Sonpet oo ka socta dalka Finland iyadoo cayartii labaadna ay wada yeesheen kooxaha Tilburg oo ka soctay Holland iyo Oslo Star oo ka soctay dalka Norway.

Cayaarahan oo aad u qurux badnaa dadkii daawanayeyna ay aad u jecleesteen xitaa iyadoo oo uu roob xoog lahi da,ayey dadkuse aysan garoonka ka tagin cayaarahan quruxda badan aawgood.

Cayartii hore ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Sokoa iyo Sonpet iyadoo ay goolkii hore ku hormareen kooxda Sokoa oo sanadkan u muuqata mid adag isla markaana haatan hogaamineeysa Group B iyadoo leh 3 dhibcood balse gabgabadii cayaartan ayaa lagu kala tagay 2-1 ay kooxda Sokoa ku sabarsiisay kooxda Sonpet ee Finland.

Cayaartii labaad ayaa waxeey dhexmartay kooxaha Tilburug iyo Oslo Star cayaartan oo aheeyd mid aad u farsameeysan labada kooxoodna ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleeystay ayeey waxaa ay gabgabadii cayaartan ku dhamaatay 1-1 ay isla  dhaafi waayeen labada koox.

 

 


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com