|
|
|
Kooxda Xiddigaha Rågsved oo awood
sheegatay Finland halka Ilamos ay Sokoa
uga badisay 3-1 |
|
|
|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2007 ayaa
shalay si rasmi ah uga furmay garoonka weyn ee Spånga IP iyadoo
furitaanka cayaarahana ay marti ku ahaayeen siyaasiyiinta xaafadda
Rinkeby oo uu ka socday Abeba Hayle iyo macalinkii hore ee kooxda
qaranka kubadda koleyga dalkeenii Mr Shiino Guhaad , garsoore
caalami ah Axmed Salax Diinaash , Abaliisha sidoo kale waxaa halkaa
goob joog ahaa maamulka Dahabshiil / Sweden Mr Maxamuud iyo Axmed
Aweys.

Waxaa barnaamijkii shalay xiriiriye
ka ahaa Ciid Arsenal oo dadka garonka fadhiyey aad uga qoslinayey
waxaana uu barnaamijku ku biloowday ayadaha Quraanka oo uu
guddoomiyaha kooxda Xiddigaha Rågsved ka akhriyeyey halkaa ka dibna
waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Guddomiya guddiga qabanqaabada Mr
Cali Sheekh ( Cali Gureey ) oo halkaa kooxaha iyo dadweynaha ka soo
qeyb galayba ugu mahad celiyey gaar ahaana reer Stockholm oo ah dad
Sportiga jecel isla markaana garoomada soo camira ka dib waxaa
hadlay Axmed Diinaash oo kooxhaha iyo dadweynahaba hadal gaaban u
jeediyey isagoo ku waaniyey in cayaaro wanagsan ay dhacaan labadan
week ee inagu soo aadan, ka dib waxaa hadalkii qaatay Shiino Guhaad
oo aad uga hadlay in midnimada Stockholm ay muhiim tahay sidoo kale
waxaa halkaa ka hadlay Poliska Rinkeby oo isna sanadkan wada shaqeyn
buuxda la leh guddiga maamulka SEUKI ugu danbeyna waxa dhowr kalmad
halkaa ka jeediyey maamulaha Dahabshiil /Sweden Maxamud Ibrahim oo
isna halkaa ka sheegay sida shirkaduu ay uga qeyb qaadatay
hormarinta cayaaraha.

Waxaa ka dib bilaabmay bandhig
faneed uu fanaanka weyn Super Khalid soo bandhigay iyadoo sidoo
kalana halkaa ka heeseen fanaaniinta Jelle iyo Faarax.

Waxaa sidoo kale shalay Guddiga
qabanqaabadu ay tartan u sameeyeen caruur da,ayar oo u qeybsamay
ilaa shan group oo gabdho iyo wiilalba iskugu jiray iyadoo halkaana
loogu qeybiyey hadiyado yaryar.


Shalayna ay cayaarta fureen kooxdii
sanadkii hore koobka heeysatay ee Xiddigaha Rågsved iyo kooxda
Sonpet ee dalka Finland .

Cayaartan ayeey kooxda xiddigaha
Rågsved aad uga gacan sareeysay kooxda Sonpet iyagoo uga badiyey
goolal xad dhaaf ah oo gaaray ilaa 10 gool. Waxaa xusid mudan in
cayaaryahan Cabdi Walaalo oo nr 3 aad u qaata kooxda Xiddigaha uu 4
gool ku dhan ka dhaliyey cayaartan taasoo u sahleeysa tartanka
goolasha oo uu sanadkii hore iyo sanadii ka horeeyaba hore u qaatay.

Cayaartii labaad ee shalay ayaa
waxaa ay dhexmartay kooxda Sokoa oo ka soctay Norway iyo kooxda
Ilamos oo ka soctay England , cayaartan ayaa aheeyd mid aad u adag
iyadoo gool ay ku hor mareen kooxda Sokoa balse ay Ilamos goolkii
iska soo gudeen ka dibna heleen laba gool oo kale .

Cayaartan ayaa aad u adkeyd waxaana
runtii labada kooxood ka muuqatay caro aad u badan iyadoo koox walba
ay doneysay ineey badiso waxaana xusid mudan in markii ugu horeeysay
tartankan SEUKI uu shalay ka qeyb qaadanayey garsoorka garsoore
Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maaweel iyadoo uu cayaartii koowaadna
calanwale ahaa halka cayaarta labaadna uu ahaa garsooraha koowaad oo
cayaarta garsoorayey.


Cayaartan labaad markii ay
dhamaatay ayaa caradii labada kooxdood waxaa ka dhashay gacan ka
hadal balse guddiga qabanqaabada ayaa ku guuleystay in uusan arintu
faraha ka bixin waxeeyna ka soo saari doonaan go,aan adag si aysan
mar kale u dhicin.

Dadweynaha ka soo qeyb galay
cayaarahan shalay ayaa tiradoodu waxaa ay aheeyd xad dhaaf waxaana
uu jawigu ahaa mid aad u qurxan waxaana maanta oo bishu atahay 15
July wada cayaari doona kooxda Stretham iyo Halgan cayaarta labaadna
Midnimo (Göte) iyo Swiss.









- Cabdi Cumar
Afrax
- Stockholm
|