08-02-2007 00:54:39 Ceelbuurnet.com
Kooxda Benaadir oo ku guuleeysatay koobkii Somali week 2009 ka dhacay Toronto iyadoo ay cayaartana ay ku dhamaatay buuq iyo fowdo

Waxaa 12 kii bishan la soo gabagabeeyey cayaarihii Somaliweek ee ka socday magaalada Toronto ee dalka Canada iyadoo ay cayaarahana ku guuleeysteen kooxda Benadir oo iyadu ka dhisan magaalada Toronto.

Cayaarahan oo sidoodba sanadkan aan aheeyn sidii hore maadama ay jireen shaqo joojin ay dowladda hoose ee magaaladan Toronto sameeyeen taasoo saameeysay habsami u socodka cayaarihii xagaaga Somali week ayaa hadana waxaa nasiib xumo maalintii Finelka iyo Semi finelkaba dhacay waxyaabo cayaarahan sumcadooda hoos u dhigaya taasoo ah tuhun ay kooxuhu tuhmayaan in qaar ka tirsan guddiga qabanqaabadu koobka la doonayaan kooxda Benaadir oo iyadu ka dhisan magaalada Toronto.

Cayaartii semi finelka ayaa waxaa cayaarta gabi ahaanba isaga baxay kooxda Rochester oo ka timid cariga Mareeykanka iyagoo sabab ka dhiganaya cadaalad daro lagu sameeynayey sidoo kale cayaartii Finelka oo ay kooxda Benadir la cayaareeysay kooxda Wembley United oo iyadoo cayaartu ay mareeyso 1 -1 daqiiqadihi iugu danbeeyena ay ahheeyd ayaa waxaa rigoore khalad ah loo dhigay kooxda Benaadir taasi oo keentay in kooxdii ka soctay Wembley ay iyaguna garoonka isaga dareeraan .

Runahaantii qaladaadkan ayaa waxaa si toos ah u leh garsoorayaasha garsooraya cayaarahan balse guddiga iyaga ayaa masuuliyadda cayaarahan ay saaran tahay wixii wanaag ahna iyagaa leh wixii qaldamana iyaga ayaa ay masuuliyad ka saaran tahay.

Magaalada Toronto oo ah hooyada cayaaraha xagaaga Soomalida ahna hooygii bahda Sportiga intooda ugu badan ayaa waxaa dhibaato weyn ku habsatay in la soo saaro dhalinyaro cayaartooy ah oo ka socta Toronto iyadoo kooxaha faraha badan ee reer Toronto ay ku xisaabtamaan ineey lacago ku bixiyaan cayaartooy ku nool UK iyo USA taasoo dhabarjab ku ah dhilinyarada reer Toronto oo chanace u heli lahaa ineey tartamadan ka qeybqaataan.

Sharcigan ayaa waxaa wanaagsanaan laheeyd in guddiga qaban qaabadu ay sharciyo ka soo saaraan iyagoo xadidaya tirada ay kooxaha reer Toronto ka soo qaadan karaan cayaartooyda dibadda taasoo kooxaha reer Toronto ku qasbi laheeyd ineey waqti galiyaan dhalinyarada faraha badan ee reer Toronto oo chance kii ay lahaayeen ay kuwa dibadda qaateen.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com