13-07-2008 18:59:26 Ceelbuurnet.com
Kooxda xiddigaha Rågsved oo cimaamadda ka riday kooxdii Olympic Amager ka dib markeey ku quusiyeen 5-0

Cayaarti labaad oo maanta oo ay isku arkeen labada koox ee cayaartooda la wada sugayey ee Olympic Amager iyo Xiddigaha Rågsved ayaa waxaa ay labada kooxoodba soo bandhigeen cayaar aad u farsamao sareeysa iyadoo qeybtii koowaad  ee cayaarta lagu kala nastay 2-0 ay kooxda xiddigaha Rågsved ku hogaaminayeen kooxdii ka soctay dalka Denmark.

Cayaartan ayaa labada kooxoodba waxaa ay la soo shir tageen cayaartooy tayo leh oo aad u farsamo badan iyadoo labadan kooxoodna mar walba lagu tiriyo kooxaha looga cabsi qabo koobkan.

Gabagabadii cayaartan ayaa waxeey ku dhamaatay 5-0 ay kooxda xiddigaha Rågsved ku suuldaartay kooxda Olympic Amager oo ka soctay dalka Denmark.

Cayaartan ayaa waaxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan ooka kala yimid magaaladan Stockholm iyo meelo kale duwan oo ka tirsan gobolada dalkan Sweden iyo waliba daafaha kala duwan ee Yurub.

Berri oo ay taariikhdu tahay 14 July ayaa waxaa cayaarta koowaad ku kulmaya kooxaha Sokoa ee Norway iyo Sonpet oo ka socta dalka Finland.

Cayaarta labaad berri ayaa waxaa fooda is dari doona kooxaha Tillburug oo ka socta dalka Holland iyo kooxda Oslo Star oo ka socta  dalka Norway.

Cayaarahan xagaaga SEUKI 2008 ayaa waxeey socon doonaan ilaa 29 bishan July.

Cayaarahan waxaa gacan ka geeystay shirkadda xawaaladda Dahabshiil iyo xawaaladda Mustaqbal iyo ururka Risk oo micnaheedu tahay joojinta guditaanka hablaha kana howl gasha dalkan Sweden.


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com